Thursday, September 11, 2014

Axsaabta Mucaaridka ah Oo Si Wada Jir ah u Qaadacay Diiwaangelinta Madaniga ah ee Xukuumaddu Abuubulayso

Hargeysa:Sep,11,2014(Himil)-Axsaabta mucaaridka Somaliland, ayaa maanta si wada jir ah ugu dhawaaqay inay qaadaceen Diiwaangelinta Madaniga ah ee xukuumaddu damacsan tahay inay dhawaan dalka ka hirgeliso.

DSC01487Shira jaraa’id oo ay labada xisbi mucaaridk ee Waddani iyo Ucid maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa ayey ku caddeeyeen inay Go’aan ku gaadheen inaanay xukuumadda ku taageerin Diiwaangelinta Madaniga ah ee dhawaan la qaban doono, iyagoo xukuumadda ku eedeeyey inay kaga baxday Heshiisyo hore loo galay oo la xidhiidha qaabka loo qabanayo diiwaangelintaas madaniga ah.

“Tobaneeyo cisho ayaa nala meermeerinayay oo nala lahaa Saxaafadda ha la hadlina, waxaa ugu dambeysay saaka oo inta nala yidhi laba wasiir baa la idiin soo dirayaa nalaga baxay, sidaas daraadeed markaanu eegnay Itaalkayaga, kow waxaanu goosanay inaanu qaadacnay gabi ahaanba bahashaa magacyada badan ee Diwaan galinta Madaniga ah. waxaanu Taageerayaashaydana ugu baaqaynaa inay nagu taageeraan labada xisbiga inaanu qaadacnay Diwaan galintaas oo aanay ka qayb qaadan. Markaa rasmiyan waxaanu halkan ka sheegaynaa inaanu qaadacnay Diwaan galintaas loo bixiyey Madaniga" Ayaa ka mid ahaa hadalka Mujaahid Cali Guray oo ah Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee xisbiga Ucid.

Cali Guray waxa uu Baaq u diray Shacabka Somaliland, isagoo ku Guubaabiyey inaanay ka qabgelin diiwaangelin aan u soconin sidii loogu talogalay, “Dhamaan Shacbi weynaha Somaliland, waxaanu iyagana ugu baaqaynaa, waar Doorashadii tani waa Carqalad kaliyee qaar kalena waa lagu soo wadaa.haddii ay daan u midoobin oo awoodiina isku hor taagin, lagana hor qaadin wixii carqalad ah ee Doorashooyinkaas loo dhigayo, waa la idiin jiidhayaa, Anaga waa nala jiidhayaa, Inagoo u midaysan Mucaarad iyo Muxaafad waa inaynu baabi'inaa oo dadkaas u celinaa Lacagtii laga soo qaaday iyo dawladdahoodii hoose" ayuu yidhi Cali Guray

 

Dhinaca kale Gudoomiye xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in Xukumaddu ka baxday Heshiisyo mug leh oo hore u dhex maray dhinacyada doorashadu khusayso, kuwaasi oo ku salaysnaa in labada doorasho isbarbar socdaan.

“Waxaad Ogtihiin Mudooyinkii u dambeeyay waxaa socday Heshiisyo u dhexeeyay Xukumadda, Saddexda Xisbi Qaran, Komishanka Doorashooyinka iyo qaadhaan bixiyeyaasha Doorashada inaga taageera. Waxaanu dhamaantayo ku heshiinay in la qabto Doorashada Muwaadinka iyo ta codbixiyeyaasha. Waxaanu kala saxeexanay oo kuwada heshiinay oo Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa arrimaha guduhu qayb ka yihiin Saxeexa in Diwaan galinta Madaniga ah iyo ta Codbixiyeyaasha la wada qabto oo ay isbarbar socdaan.Runtii xukumaddu iyadoo iska dhego tiraysa heshiisyadii, iyadoo baalmarsan wixii aanu ku heshiinay, waxay sameeyeen inay xeer duuduub ah Golaha baarlamaanka u gudbiyaan, taas markaanu aragnay saddexdayada Xisbi qaran iyo Akaadamiyadda Nabadu shir baanu ka wada yeelanay, waxaa halkaas nagaga hadhay Xisbiga Kulmiye, waxaana isku soo hadhay labada xisbi mucaarad iyo Akadamiyada, markaas waxaanu Madaxweynaha u gudbinay qoraal aanu Madaxweynaha u gudbinay oo aanu ugu sheegnay wuxuu ka damacsan yahay heshiisyadii hore, laba cisho na suga ayay nagu yidhaahdeen, waxaanuna sugnay 5 cisho walina kama hayno Jawaab” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed

 

Axmed Muumin Seed oo Sii hadlaya waxa uu yidhi “Markaanu aragnay Ballamihii badnaa ee Beenta ahaa, Markaanu aragnay heshiisyadii Caalamku nala Ogaa inay wada baal mareen, waxaanu Shacabka Somaliland, gaar ahaana taageerayaashayada u sheegaynaa inaanu qaadacnay Diwaan galinta Madaniga ah ee meel ay ka socoto iyo meelay sal ku leedahay ba aanan garanayn.Ee waliba la doonayo Shicibku si uu u kaco in la yidhaahdo Degmo heblaayana 10 Goobood, degmo helbaayana 30 Goobood, ee Goboladii la leeyahay midna waa 20 Goobood midna waa 50 Goobood, si dadka loo kiciyo, waxaanu isla garanay labadayada Xisbi Mucaarad inaanu qaadacno Diwaan galinta Madaniga ah”

Qaadacaaddan ay xisbiyada Mucaaridku kala kaceen Diiwaangelinta Madaniga ah, ayaa dhirbaaxo ku ah Habsami-u-socodkii la doonayey in dalka doorasho lagaga hirgeliyo, waxana la sugayaa jawaabta ay xukuumaddu ka bixiso Tallaabada ay mucaaridku qaadeen.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment