Hargeysa, 11 Sept, 2014 (Himilo)- Wasiirrada Wasaaradaha Boosaha & Isgaadhsiinta Maxamed Jamac Abgaal iyo Xidhiidh Golayaasha Cali Xaamud Jibriil, ayaa war-xumo tashiil iyo deel-qaaf qaranimada loola badheedhay ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo madaxweynaha ku eedeeyey inuu buriyey dastuurkii qaranka.
Waxa uu Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Waddani dhaliilay hadal madaxweyne Siilaanyo ka jeediyey kulan uu Axaddii todobaadan madaxtooyada kula yeeshay Maayerrada magaallooyinka waaweyn iyo Badhasaabbada gobollada dalka oo lagaga hadlay diiwaangelinta Madaniga ah, kaas uu Wasiirka Madaxtooyada ugu yeedhay Wasiirka Wasiirrada. Waxaanu guddoomiye ku-xigeenka Waddani hadalkaa Madaxweynaha ka soo yeedhay ku tilmaamay sharci-darro, burburinta dimuquraadiyadda iyo Shuruucda dalka ku yaalla oo uu ku tallaabsaday, isaga oo hadalka madaxweynaha ku sifeeyey inuu wasiir Xirsi ku sheegay inuu yahay wasiir xilkiisu ka sarreeya mansabka wasiirrada kale.

Haddaba, labada wasiir oo xukuumadda ka difaacayay dhaliisha uu soo jeediyey Guddoomiye ku-xigeenka Waddani oo ay Isku-beel yihiin, deegaan ahaanna ay soo wada-jeedaan gobolka Awdal, waxa ay arrintan kaga hadleen mar ay shalay si gooni-gooni ah warbaahinta ugu warrameen xafiisyadooda magaalada Hargeysa, waxaanay waxba kama jiraan ku tilmaameen dhaliisha uu masulka Waddani carrabaayey.Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Cilmi-baadhista Cali Xaamud Jibriil waxa uu guddoomiye ku-xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed ku dhaliilay in wax badani ugu laaban yihiin qaabka looga hadlo masraxa siyaasadda isla markaana uu gef iyo meel-ka-dhac ka galay qaranimada Somaliland.
“Waxa aan u jaabayaa Axmed Muumin Seed oo aan leeyahay ta aad leedahay Madaxweynuhu Raysal-wasaare ayuu magacaabay, horta dastuurka gef haka gelin. Waxaan filayaa mustawaha iyo sida loo hadlo inaad wax badan hilmaansatahay baan filayaa. Madaxweynuhu wax uu magacaabayna ma jiraan,” ayuu yidhi Cali Xaamud, waxaanu intaas ku daray, “Ta uu leeyahay ‘Saleebaan Gaal, guddoomiyaha Guurtida, raysalwasaaraha iyo madaxweynuhu isma-qabtaan’, waxaan leeyahay madaxweynaha dadkaa doortay, Saleebaan-na Guurtida ayaa dooratay wakhtigii uu madaxweynaha ahaa Daahir Raayale Kaahin oo u ololeeyey. Taasina gefbay ku tahay Qaranimada.”
Cali Xaamud waxa uu Guddoomiye ku-xigeenka Waddani u soo jeediyey, “Markaa waxaanu leenahay Gefka, deel-qaafka iyo warxumo-tashiilka inaad joojiso, ayaanu kaa rabnaa,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Cilmi-baadhista Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa sheegay in isaga iyo Wasiirka Madaxtooyadu yihiin laba wasiir oo u siman mansabka ay qaranka u hayaan, labadooduna ay yihiin wasiirro madaxweynuhu magacaabay.
“Haddii Madaxweynuhu eray yidhaahdo waxa uu Noqon karaa eray Kaftan ah, mid aan loogu talogelin baa qofka Bani’aadamka ah kasoo bixir kara. Maantana wasiirka madaxtooyada waa laga yaabaa in shaqadii uu madaxweynuhu u xilsaaray inuu sidii saxda ahayd uga soo baxay, laakiin wasiirkaas (Xirsi) iyo anigu halkan aan fadhiyo laba wasaaradood oo isku mid ah ayaanu qaranka u wada haynaa, wax aanu ku kala duwannahayna ma jiraan,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment