Waxa magaaladda London ee caasimada dalka Ingiriiska lagu kala iibsaday dhawaan baastoolad sababtay dilka tobanaan ruux oo Maraykanka isla markaana horseeday rabshado ka dhacay dalkaas sanadkii 1914-kii. Sida wakaalada wararka ee Reuters ku warantay kooxda lagu magacaabo Al Capone ayaa hogaamiyahoodi la odhan jiray Ralpha Capone wuxuu isticmaalayay baastooladan sanadkii 1914-kii markii habeen koox lahayd xaflad lagu magacaabo maalinta jacaylka dunida lagu xasuuqay magaalada Chicago. Waxa sida la sheegay halkaa ku dhintay dad tiradooda lagu qiyaasay dhawr iyo sodon qof, waxa la kala siistay haddaba baastooladan oo nooceedu yahay (Colt 38) lacag dhan 67,250 pounds una dhiganta (110-kun oo dollar). Waxa lagu kala iibsaday suuqa alaabooyinka hidaha, dhaqanka iyo waxyaabaha qaaliga ah lagu soo bandhigo ee lagu kala iibsado, ee loogu yeedho Christie's auction house oo ku yaala magaalada London. Sababta baastooladani u noqotay mid qaaliya ayaa lagu sheegay inay tahay caanka ay tahay iyo dhibaatada ay horseeday ee nololeed wakhtigeedi, waxa kale oo ay caan ku noqotay qofka adeegsan jiray oo ahaa nin caan ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment