Sunday, September 14, 2014

‘Qosolku Waxa uu u fiican yahay Caafimaadka Dadka’

Qosolka, qalbi furnaanta iyo farxaan-nimada badani waxay qofka ku abuurtaa xaalad caafimaad waxaanay u waangsan tahay caafimaadka jidheed iyo maskaxeed ee qofka. Sida culimada iyo khabiirada caafimaadka dunida isku hawlaa dhawaan shaaca ka qaadeen qosolka iyo dadka farxaanka ahii waxay ka cimri dheer yihiin, kana caafimaad badan yihiin dadka kale ee dhigooda ah. Waxa jira siyaabo badan oo loo qoslo iyo habab kala duwan oo aadamigu u qoslaan laakiin dhamaantood waxay yareeyaan cidhiidhiga iyo qulubka nafta ku dhaca, waxaanay aadamiga u horseedaan deganaansho iyo firfircooni badan oo gasha nafta. Qosolka aadka u faraha badani uma fiicna caafimaadka dadka oo qosolku ka yaraadaana faa’iido badan uma laha nolosha. Hadaba waxa ay khabiiradani ku talinayaan in qofku ku dedaalo furfuraanta iyo farxaanimada si ay uga yaraadaan xanuuno badan oo ku dhaca maskaxda iyo jidhkaba. Mar walba raadi farxadda kuna dedaal furfuraanta.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment