Thursday, September 18, 2014

Dad Shacab ah Oo Lagu Laayey Magaalooyin Ku Yaallla Gudaha Dalka Kenya

Garissa:Sep,18,2014(Himilo)-Deegaanka Gaarisa ee Gudaha Dalka Kenya, ayaa la sheegayaa in saaka subaxii hore lagu laayey dad shacab ahaa, halka kuwo kalena lagu dhaawacay.

bastooladToogashadani oo dhacday 5;30 aroornimo xili la tukanayay salaada subax ayaa waxa lagu dilay Hal Ruux Halka ay Saddex Kalena kaga Dhaawacmeen.

dhaawaca 3 qof ayaa waxa loola cararay islamarkana lagu dawaynayaa isbatalka guudee magalada Garissa, iyadoo xaaladooduna kala duwan tahay, waxana ku jira dad dhaawacyo culus qaba.

Mid ka mid ah dhaawaca ayaa waxa sidoo kale la sheegay in y tahay haweenay ku noolayd Magaalada, taas oo rasaastu haleelashay xilli ay aqalkeeda joogtay .

 

Dhakhaatiirta Cisbitaalka guud ee Garissa ayaa waxa ay sheegeen in dhaawaca ay qabaan sadaxda qof aanu wada Halis ahay, isla-markaana awooddoodu ku filan tahay.

Booliiska magalada Garissa ayaa waxa ay imika wadan baadhitaano la xidhiidha weerarkaas, waxana si weyn loogu tirinayaa dhibkan inay Kooxda Alshabaab Geysatay .

Shacabka magalada Garissa ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen dhacdadani xili ay bilooyiinkii ugu danbeeyay ay magalada ahayd mid xaaladeeda amaan ay Degenayd.

Abaanduulaha booliiska gobolka waqooyi bari Patrick Lumumba ayaa sheegay in ilaa iyo imika aanay cadayn u jeedada weerarka .

Dhanka kale wararka ka imanaya Degmada Mandera ayaa sheegay in xalay halkaasi lagu dilay nin madax-dhaqameed ahaa .

Marxuunka ayaa waxa markii hore soo gaadhay dhaawac uu markii danbe ugu geeriyooday Cisbitaalka .

Marxuum Muhammed Ibrahim ayaa u geeriyooday dhaawac so gaadhay ka dib markii banbo gacmeed lagu soo tuuray gurigiisa .

Abaanduulaha ciidamada booliiska Mandera ayaa dhacdadani u xaqiijiyay saxaafada, waxana uu sheegay inay baadhitaankeeda haatan wadaan.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment