Thursday, September 18, 2014

Shaqo ay Qaban Jireen Somalida Badan Oo Kampala Ku Nool Oo La Mamnuucay

Kampala:Sep,18,2014(Himilo)-Wareegto kasoo Baxday Dawlada Uganda, ayaa lagu mamnuucay dhammaanba Tagaasida sida sharci darrada ah uga shaqaysata Magaalada Kampala, kuwaas oo intooda Badan ay dadka somalida ahi wadan jireen.

direeTallaabadan ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo ammaanka magaalada, maadaama dhawaan la arkay dhaqdhaqaayo kooxda Al-shabaab ku damacsan tahay inay dalkaas Gudihiisa ka fuliso.

Shan ka mid ah takaasileyda Somalida ee bilaa ruqsada ah, ayaa waxaa lagu qab qabtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kampala (Entebbe), si aan loogu adeegsan falal ka baxsan ammaanka.

Warbixin uu soo saaray Boolisku, ayaa waxaa lagu sheegay in Uganda ka feejigan tahay weeraro argagaxiso oo xilligan ka dhaca Magaalada Kampala, isla-markaana ay xoojineyso ammaanka dalkeeda.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Boolisku uu shaqo joojin ku samayn doono dhammaan takaasileyda Somalida ee bilaa sharciga ah, iyadoo laga duulaayo xoojinta ammaanka ee Magaalada Kampala.

Tani waxay ku soo Beegmaysaa xilli maalmo ka hor Magaalada Kampala lagu qabtay gaadhi uu noociisu ahaa NOAH, oo sida la sheegay laga soo buuxiyay walxaha qarxa, inkastoo ay ka hortaggeen laamaha ammaanka.

Dhanka kale Ciidanka Militariga ee Uganda, ayaa waxay xoojiyeen ammaanka xuduudaha uu dalkaasi la wadaago dalalka South Sudan iyo Kenya, si aanay uga soo tallaabin Xoogaga taabacsan Ururka Al Shabaab.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment