Tuesday, September 16, 2014

Diiwaangelin: Wax Badso Wax Beel Baa Ay Leedahay-W/Q Maxamed X. Raabbi

 

Doorashooyinkii u horreeyey, deeq-bixiyayaashu waxa ay madaxda dalka ee markaas kula taliyeen in saddex doorasho: Ta degaanka, ta baarlamaanka (wakiillada iyo guurtida) iyo ta madaxtooyada-ba in saddex jeer la galo oo kaadh ama aqoosi diiwaangelinta saddex jeer la adeegsado. Diiwaangelintii la sameeyey qalad baa jiray, muranna waa ka dhashay oo laguma dhaqmin sida hadda qaarkeen ku doodayaan.
Haddii sarta seeskeeda qalad galo, muhindisyada qiimeeyaa waxa ay ku taliyaan in la dumiyo oo dib loo dhiso, qiima kasta oo ku baxa. Haddii aan sidaas la yeelin, sodon sano ama in ka badan dabadeed, sidii inagu dhacday, ubadkii dhashay ee aqoonta jaamacad laga kasbo (sagaal sano), ta dugsiyada la helo (laba iyo toban sano), iyo weliba dhawr sano oo khibradaha yeeshay ayaa ay ku duntaa. Khasaaraha dadka mid ka weyn ma jiro.
Laga bilaabo lixdankii illaa maanta intii aan ka warqabo, dhaqanka kursi-boobidda waa ka siman yihiin siyaasiyiinta soomaaliyeed iyo dadweynahooduba. Qaladkaas anshaxeenna (ethics) ku jiraa, waxa uu ragaadiyey dadnimadeenna iyo horumarkeenna. Dad aan hawlkar ahayn oo aan is aaminayn ayaa aynu noqonnay: badideenna xalaasha iyo xaaraantu uma kala soocna, gaar ahaan siyaasiyiinta intooda badan iyo dadweynaha qaarkiisa. Nolosheennu, kolkaas, waa mid aan sal lahayn oo dhalanteed ah.
Maal kasta oo aynu yeelanno iyo nabadgelyo kasta oo aynu ku nool nahay, mustaqbalkeennu waa mugdi. Mar kasta isku dhac beelo ama dawlad iyo dadweyne ayaa aynu u dabran nahay. Waxa aynu nahay ummad maalin ku nool ah oo aan mustaqbalkeeda dan ka lahayn. Horumar laguma gaadho fadhiidnimo (qayil iyo qaylo), kumana yimaado sababla’aan.
Lixdankii cimaaraddii ama sartii aynu galnay, waa ay dayacantay oo inagu duntay. Dad badan oo qarannimada qiime ku lahaana, waa ay la degtay. Maanta oo aynu meel cusub ka bilawnay, waxa laga ma maaarmaan ah in aynu hubinno tayada sarta aynu dhisanayno si ay uga cimri dheeraato buuraha gacmeed ee masar (Ahraamta). Diiwaangelin sax ah oo qalad iyo been ba laga dhaqay, waa in aynu samaysanaa oo joogtaysanaa. Markaas waa in aan la degdegin. Cudurku inta uu cusub yahay waa in uu baxaa. Cudurka dhaqankeenna ku jiraa waa in uu duugmaa inta ay goori goor tahay. Muran dadweynaha jaahwareershaa oo iskeen nacsiiyaa, waa in aanu soo noqon.
Waa laga shakiyi karaa sababta diiwaangelin la diiday loo soo celiyey. Waana la garawsan karaan baahida aynu u qabno sharci diiwaangelineed oo aynu ku wada kalsoon nahay.
Haddii ay daacad ka yihiin siyaasiyiinta iyo dadweynuhuba, diiwaangelintu ma qaadanayso laba toddobaad wax ka badan. Cuqaasha ayaa haysa liiska saxan ee dadka ay ka wakiil yihiin rag, dumar iyo da’doodaba. Haddii laga shakiyona, reer walba xantiisa hoose waa la heli karaa.
Waxa la moodaa in uu qarafaysi ku jiro hawsha oo aynaan u hagarbaxsanayn diiwaangelin sugan. Hawl iska dhawrnimada iyo damac aan gar ahayniba dadnimada iyo horumarka ayaa ay lid ku yihiin. Hawlyaraysigu qofka iyo qarankaba ma baahi tiro. Dhibaato laga maarmi karo ayaa uu kuu horseedaa. Waxa lagama maarmaan ah in laga koro waalidka. Deeqbixiyaashuna waa la mid haddii aynu rabno in aynu maskax iyo muruqba xor noqonno.
Halka aynu saddex doorasho ka galayno, waxa habboon in aynu laba jeer galno: guurtida iyo degaanka oo isku mar loo codeeyo, lana horraysiiyo. Iyo madaxtooyada iyo wakiillada oo iyagana isku mar la qabto waqti ku habboon.
Wa bilaahi tawfiiq
Maxamed X. Raabbi
Himilomedia.com
Hargesa-Somaliland

No comments:

Post a Comment