Qur’aanka iyo dhawaaqyada kale ee hooyadu dhagaysato ayaa la sheegay inay raad ku yeeshaan ilmaha uurka hooyadda ku jira, isla markaana ay saameeyaan caafimaadkiisa iyo koriinka maskaxdiisa. Sida khubaradda Jaamacadda California sheegeen muusiga iyo dhagaysiga waxyaabaha raadeeya naftu waxay ilmaha kala dagaalamaan xanuunadda ku dhaca dhegaha iyo habdhiska maqalka. Dhagaysiga Hooyadda Uurka lihii dhagaysato waxyaabo nafteedu jeclaysanayo sida Qur’aanka Kariimka, Muusiga iyo waxyaabaha dhaantadda ahi waxay ka qayb qaataan koriinka ilmaha oo aad u wanaagsanaada iyo culayska dhinaca hooyadii kaga imanaya oo ka yaraada taas oo caafimaad ahaan u wanaagsan ilmaha.
Arrintan ayaa khubaradda ku kaliftay inay baadhis badan ka sameeyaan taas oo ay ku ogaadeen waxyaabo badan oo lagu ogaan karo sida dhagaysiga hooyada ugu fiican tahay ilmaha uurka ku jira. Haweenay baadhistan lagu sameeyay oo u dhalatay dalka Maraykanka isla markaana laga codsaday inay dhagaysato muusig degan ayaa lagu ogaaday lix toddobaad ka dib is badal balaadhan oo ku dhacay ilmihii uurka ku jira, waxaanu bilaabay inuu mar kasta oo muusig dhawaaqo uu ilmahii yaraa ee uurka ku jiray bilaabo dhaq dhaqaaq aad u sareeya iyo xaalad fir fircooni ah.
Dr. William Feaver, oo isagu hogaaminayay cilmi baadhista jaamacadda Cali Fornia ayaa sheegay in dhawaaqa ugu fiican ee Ilmaha uurka ku jiraa sida ugu fiican u maqlaa yahay codkeeda kaas oo si rabaani ah ku gaadha hasa yeeshee codka labaad ee uu ugu maqli og yahay ilmuhu uu yahay waxa hooyadii dhagaysato.
Dhawaaqyadda ugu wanaagsan ee hooyadu markay dhegaysato uu sida wanaagsan ugu raaxaysto Ilmuhu ayaa ah kuwa degan, waxaanay culimadani si wayn farta ugu fiiqeen dhagaysiga Qur’aanka Kariinka oo ay ku tilmaameen inuu yahay waxa ugu fiican ee uu ilmuhu sida wayn ugu soo baraarugo lagana yaabo in caruurta hooyadood dhagaysataa aanay dhego la’aan qaadin.
Himilomedia.com
Hargesa-Somaliland
No comments:
Post a Comment