Guddoomiyaha Guddida Dawga-cad oo ay wehelinayaan xubnaha guddidaas intooda badan, ayaa kormeerkooda ku soo maray goobo ay ka socoto hawsha lagu ballaadhinayo meelaha jidku ku leeyahay gooladaha, si ay uga war hayaan halka hawshaasi mareyso, isla markaasna qurba-joogta iyo muwaadiniinta daneeya dhismaha jidkaasi loogu soo bandhigo halka hawshu mareyso, looguna diyaar-garoobo hawlaha mustaqbalka u qorsheysan in jidkaasi laga qabto.

Eng. Axmed Warsame Siciid, oo isaguna ka mid ah guddidaasi, ayaa sheegay, “Maanta waxa noo sharaf ah inaanu joogno Dawgii Caddaa oo in dhaweydba aanu wadney sidii aanu ballaadhin lahayn meelaha waddadu Gooladaha ku lahayd ee aanay baabuurta waaweyni soo mari jirin, sidaa Guddoomiye Cabdiqaadir Xaashi Cilmi idiin sheegayna muddo bil iyo badh ah ayaanu hawshaa ku jirnay, waxaanu keenay qalab aad u waaweyn oo wax ka qaban kara, kuwaasi oo wax weyn ka beddalaya Waddada markay dhammaato. Waxaanuna rejaynaynaa in hawshaasi muddo laba toddobaad ah ay ku dhamaato, waddaduna aad u ballaadhato, oo ay noqoto mid aayatiin leh, mustaqbalkana wax weyn ka tari doontaa isku socodka gaadiidka ee Hargeysa iyo xeebta,” ayuu yidhi Axmed Warsame Siciid.
Eng. Axmed Warsame waxa kale oo uu sheegay, “Kormeerka aanu ku nimid Dawga-cad, waa si aanu wixii naga dhiman iyo wixii naga qabyo ah iyo wixii aanu baahanahay inaanu qabanno-ba ugu talo-galo, sidaa daraadeed-baanu u nimid,” ayuu yidhi.
Eng. Cali Cabdi Sarajoog oo isaguna halkaas ka hadlday, ayaa isaguna sharraxay qorshahooda dhow ee geeddi-socodka hawsha dhismaha jidka iyo dhammaystirkiisa, waxaanu yidhi, “ILAAHAY-baa Mahad leh, hawshii meel wanaagsan-bay noo mareysaa, markaanu ka daa-degno buurta ee aanu hawsheeda ka faraxalanno, intaa ku joogsan mayso’e waxa (Sarfaygeedii) iyo wax walba noo diyaarsan yahay inaanu buurta dhaadhaceeda ilaa Badda aanu ku deba qabanno, sidaa ayuu ku talo-galkayagu yahay, sidaa aanu imika idiinla socodsiinay, ayaanu mar walba ku talo-galeynaa inaanu dadkiina Maalka u soo hurey aanu kolba halkay hawshu noo mareyso aanu idinla soo socodsiinaynaa.”
Suldaan Maxamuud Siciid oo ka mid ah Guddida dhismaha jidka Dawga-cad, ayaa isaguna baaq u diray ganacsatada iyo xoolo dhaqatada deegaanka Woqooyiga Hargeysa, waxaanu yidhi, “Qalabka waxa waddada ku caawiyey Ganacsade Maxamed Aw Siciid, laakiin ganacsatadu way badan yihiine, waxaanu jeclaan lahayn inay waddada ku soo darsadaan wixii kari karaan. Waxa kale oo aan halkan baaq uga jeedinayaa dadkeena reer guuraaga ah ee xoolaha haya, inay iyaguna gacan ka geystaan Waddada, Mid ceesaan keena, Mid Orgi keena iyo mid Awr keenaba ay wax ku darsadaan, waayo iyaguna waddadan faa’iido ayay ku qabaan. Markaa waxaan ku talinayaa in Cuqaashu isku tagto oo ay dadka dhex galaan oo ay xoolo ka soo ururiyaan oo ay waddada gacan ka geystaan.”
Guddoomiyaha Guddiga Wanaag-farista iyo xumaan-reebista Somaliland, Sheekh Cabdiraxmaan Cabdalla, ayaa isaguna halkaasi ka sheegay, “Waxaan ILAAHAY la hor-tagayaa in hawshaa uu ILAAHAY waafajiyey nimankaa odayaasha ah (Guddida Dawga-cad) ay meel wanaagsan mareyso, laakiin ay ahayd wixii ay dawladi qaban lahayn, ILAAHAY-baana gacan ku siiyey” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray, “Hawshii meel wanaagsan-bay mareysaa, wixii aad soo dirteen meel wanaagsan-bay ku baxeen ee yaan laga caajisin, oo duco iyo gacanba hala isku daro.”
Ugu dambay, waxa halkaasi ka hadlay Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac oo ka mid ah Guddida dhismaha jidka DAWGA-CAD, waxaanu yidhi, “Hawshii weli waa bilow, waxaana inoo hadhay ilaa Ceel-sheekh oo la baneeyo, waxa hadhay in Hargeysa ilaa Badda la soo dhigo Laamaydii, markaa waxaanu leenahay qofkii wax hayow hawshii weli way socotaa, laga daali maayo, inta cimrigu nagu simo waanu wadeynaa, idinkuna ha daalina, waa sadaqo jaariya’e, soo dedaalla, ubadka ILAAHAY ha idiinku dhowr, Arsaaqda ILAAHAY ha idiinku kordhiyo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment