
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in sannadkii hore lagu dilay 56-qof oo Soomaali ah gobolka Cape-town, waxaana dilalkan fulinayay dad Madow Koonfur Afrikaan ah, iyadoo Soomaalidu ay u arkaan dilalkan mid ku dhisan jinsi-nacayb.
“Dalka Koonfur Afrika waxaa ku nool Soomaali badan oo qoxoontinimo halkan ku timid, waxaana Dastuurku dalkani uu dhigayaa in qofka qoxoontiga ah uu daryeel caafimaad helo, inuu si xorriyadi ay ku jirto u dhaqdhaqaaqo, inuu yeelan karo hanti gaar ah iyo ganacsi iyo in si wanaagsan loola dhaqmo, balse intaas oo dhan Soomaalidu ma hesho.” Sidaa waxa yidhi Weriye Maxamed Nuur oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika.
Waxaanu intaas ku sii ladhay oo uu yidhi; “Laakiin, waxaa jirta halis ah in si gaar ah loo beegsado Soomaalida lana dilo, kuwaasoo intooda badan u muuqda kuwo ku dhisan jinsi-nacayb.” Dilalka sannadkan Soomaalida loogu geystay gobolka Cape-town ee Koonfur Afrika, ayaa ah kuwo ay xaqiijiyeen Booliiska dalkaas, iyagoo Booliisku ay ku sameeyaan dilalkaas baadhitananno, balse aanay jirin cid ay u soo qabteen.
Afhayeen u hadashay Booliiska Novela Potelwa ee Koonfur Afrika, ayaa sheegtay in dilalka noocan oo kale ahi ay walaac weyn ku hayaan, iyadoo xustay inay dil kasta oo dhaca ay baadhitaan ku sameyaan. “In qofku dhinto waa mid iska caadi ah, balse ma doonayno in qof Soomaali ah ay dilaan dad reer Koonfur Afrika, Hay’adaha amniguna waxay wadaan baadhitaanno lagu xaqiijinayo dilalkaas dhacay oo dhan iyo ciddii geysatay,” ayay tidhi Afhayeenka u hadashay Booliska dalkaasi.
Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Soomaalida Koonfur Afrika Xuseen Cali Cumar, ayaa ku eedeeyay dilalka dhaca inay geystaan dad gaar ah oo kooxo ahaan u abaabulan. Isagoo xusay in dilalka Soomaalida lala beegsanayo ay yihiin kuwo si gaar ah loosoo abaabulay. “Sidoo kale dilalku meelo kala duwan ayay ka dhacaan, waxaana dilalka geysta dabley abaabulan oo ay tahay ujeeddadooda inay dilal geystaan, hantidada Soomaalidana dalkan ku ganacsadana dhacaan.” ayuu yidhi Xuseen Cali.
Sidoo kale, Afhayeenka Urur ay leeyihiin Soomaalida Koonfur Afrika ku dhaqan oo lagu magacaabo Maxamed Cali, ayaa sheegay in Soomaalida ganacsiyada ku leh deegaannada ka fog magaalooyinka waaweyn ay la kulmaan weerarro joogto ah, waxaanu yidhi; “Ciidammada Booliiska waxaannu la leenahay xidhiidh wanaagsan. Waxaanan kala shaqeynaa in lasoo qabto kuwa looga shakiyo inay ka dambeeyeen weerarrada inta badan lala beegsado Soomaalida. Waxaana howshan aan billownay 2008-dii.”
Bishii lasoo dhaafay ee August ee sannadkan, laba qof oo Soomaali ah ayaa dhintay ka dib markii ay dhaawaceen Rag hubeysan, xilli ay wateen Baabuur ay doonayeen inay ku tagaan Dukaankooda oo ku yaallay Elisies River, waxaanay ku geeriyoodeen Cusbitaalka Tygerberg oo dhaawacooda la gaadhsiiyay.
Afhayeenka Waaxda Badbaada Bulshada ee Cape-town Ewald Botha, ayaa sheegay inaanay jirin cid qaab jinsiyadeed loo beegsanayo marka la eego sharciyadda Booliiska, waxaana dadka Soomaalida ku dhiirri-gelinaya inay ka qayb-qaataan dedaallada lagaga hortagayo Dableyda geysta dilalka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment