Hargeysa, 09 Sept, 2014 (Himilo)- Guddiga Qandaraasyada qaranka, ayaa si rasmi ah furay cidda ku guulaysatay tartan loo galay Qandaraaska keenista Daamurka oo ay Hay’adda Waddooyinku u gudbisay, kaas oo lagu baahiyey warbaahinta dalka.Qandaraaska Daamurka Waddooyinka Dalka oo baahintiisu muddo sagaal maalmood ah ka socotay warbaahinta kala duwan ee dalka isla markaana socday 28-kii August ilaa 7-da bishan Sebtember, waxa qiimayaasha ay kaga qayb-qaadanayaan tartankiisa si sax u gudbiyey 12 shirkadood oo mid ah hore u qaadatay qandaraaska.
Munaasibad loo qabtay Furista Qandaasta oo lagu qabtay Xarunta Guddida Qandaraasyada Qaranka oo ku dhex-taala Kaamboolka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, ayaa waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Waddooyinka iyo guddiga Qandaraasyada, Shirkado ka qayb-qaatay tartanka Helitaanka Qandaraaska Daamurka Xukuumaddu u baahan tahay iyo Marti-sharaf kale, waxaana halkaas lagu soo bandhigay qaababka looga qayb-qaatay tartanka iyo qiimayaasha shirkaduhu kaga qayb-qaateen qandaraaska Daamurka oo tiradiisu dhan tahay 25,000 oo foosto, taas oo loogu talo-galay dhismaha Waddada Ceerigaabo. Iyada oo ay madasha goob-joog ka ahaayeen dhammaanba shirkadihii qandaraaska ka qaybgalay, waxana hortooda lagu tusay qiimayaashii ay soo gudbisteen si ay u keenaan Daamurka Loo Baahan yahay.
Guddoomiyaha Guddida Qandraasyada Qaranka Aadan Axmed Nugaal oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay shuruudaha qandaraaska iyo Nidaamka loo marayey fulintiisa, waxaanu yidbhi, “Maanta (shalay) waxaynu u fadhinaa daaamurkii ka qaybgeli lahaa dhismaha waddada Ceerigaabo, waxaana aanu doonaynaaa inaanu idinku tartansiino 25000-kun oo foosto, tartankana waxa ugu muhiimsanaanaya Qiimaha, laakiin waanu ka daba tegaynaa oo baadhaynaa inuu awooddaas leeyahay iyo inuu dilaal yahay, waana nidaamka lagu bixiyo qandaraasyada, waxa kale oo muhiim ah Nooca la keeni doono.”
Sidoo kale waxa isaguna goobta lagu furayey qandaraaska Daamurka ka hadlay Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland Xasan Cismaan Cali, waxaanu yidhi, “Waa markii iigu horaysay ee aan arko qandaraas la furayo, waxaana muuqata inuu si fiican u daahfuran yahay. Waxaanu meesha ku soo qornay Waxyaabo khaas ah (specifications), markaad keentana waxaanu xaq u leenahay intaadan wada keenin inaanu soo baadhno muunad oo aanu Addis Ababa u dirno, marka la soo caddeeyo inuu daamurkaasi yahay kii saxda ahaa, ayuun baan anigu qandaraaskaaga saxeexayaa, waxaana ay taasi meesha ka saaraysaa dilaalkii iyo ciddii dhexda ku jirtey,” ayuu yidhi Guddoomiye Xasan.
Ugu dambayntii waxa halkaas lagu yeedhiyey Qiimayaashii ay soo qorteen shirkadihii ka qaybgalay Qandaraasku, waxana ugu qiimo hoosaysay Shirkad lagu magacaabo AMAL Services oo soo qoray inay daamurkaas ku keeni doonto Qiime dhan $109.50 foostadiiba.
Sida ay sheegeen guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada iyo Maareeyaha hay’adda Waddooyinka, waxa la filayaa in dhawaan lagu dhawaaqo shirkadda sida rasmiga ah ugu guulaystay Qandaraaska Daamurka, ka dib baadhitaan lagu sameyn doono shirkada iyo tayada daamurka ay qandaraasku ku qaadaty inay dalka keento.
No comments:
Post a Comment