Tuesday, September 9, 2014

Somaliland oo lagu Marti-qaaday Shir Caalami ah oo maanta ka furmaya magaalada Dubai

SHIRKAHargeysa, 09 Sept, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa lagu marti-qaaday ka qayb-galka shir caalami ah oo maanta ka furamaya magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, kaas oo lagaga hadlayo fursadaha maal-geshi ee waddamada galbeedka Qaaradda Afrika.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil (Saylici) iyo Wasiirul-dawlaha wasaaradda Maaliyadda Cismaan Saxardiid (Caddaani), ayaa xukuumadda Somaliland uga qayb-geli doona shirkan oo ay goob-joog ka noqon doonaan maal-gashato caalami ah oo isugu jira reer Galbeed iyo waddamada Khaliijka Carabta.

Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo shalay war-fidiyeennada kula hadlayey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka hor intii aanu ka dhoofin dalka, ayaa tafaasiil ka bixiyey ujeeddada shirka caalami ah ee maanta ka furamaya magaalada Dubai, kaas oo ay ka qayb-galayaan madaxweynayaasha siddeed waddan oo ku yaala Galbeedka Afrika ee ku midaysan ururka ECOWA iyo maal-gashadeyaal Caalami, kaas oo Somaliland lagu marti-qaaday, sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenku.

“Waxa nalagu marti-qaaday madal maal-galineed oo loo qabanayo dalal ka mid ah Afrikada Galbeed. Waxa ka qayb-galaya siddeed madaxweyne oo Afrika Galbeed ah, halkaas oo ay isugu imanayaan maal-galiyeyaal fara-badan, kuwaas ayaa annaga nagu marti-qaaday inaanu goob-joog ka noqonno si aanu uga soo faa’idaysanno uguna bandhigno in Somaliland qudheedhu tahay dal u furan maal-geshiga, fursado badanna leh,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka, waxaanu intaas raaciyey hadalkiisa inuu safarkiisu qaadan doono muddo todobaad ah. “Waxaan rejaynayaa inaanu fursaddaas ka faa’idaysanno, waxaana iga horreeya Wasiirul-dawlaha Maaliyadda,” ayuu yidhi Md Saylici oo socdaalkiisa ay ku wehelinaysa marwada labaad ee Qaranka.

Shirkan maal-geshi oo ay ka qayb-galayaan madaxweyneyaasha waddamada Benin, Togo, Senegal, Ivory Coast, Mali, Niger, Guinea Bissau iyo Burkina Faso oo ay wehelinayaan wasiirrada Maaliyadda ee xukuumadahooda, ayaa maanta oo kaliya ku eg, in kasta oo Md Saylici sheegay in safarkiisu qaadan muddo todobaad ah.

Ururka ay ku midaysan yihiin waddamada Galbeedka Afrika ee ECOWAS, waxa uu dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo isu-socodka ka mideeyaa 15 waddan oo ururkani ka kooban yahay, haseyeeshee waxa shirka ka qayb-galaya madaxweynayaasha siddeed waddan oo ka mid ah, halka waddamada kale ay uga soo qayb-gali waayeen sababo la xidhiidha cudurka Ebola ee saamaynta ba’an ku haya gobolka Galbeedka Afrika, halka qaarkoodna arrimo farsamo uga maqan yihiin. waddamada ururkan ka tirsan ee aan ka qayb-galeyn shirkan waxa ka mid ah Cape Verde, Gambia, Ghana, Guinea, Liberia, Nigeria iyo Sierra Leone.

 

No comments:

Post a Comment