
Daqiiqado kadib markii Fadhigu furmay ayaa Xubnihii Goobjoogga ahaa u qaybiyey Xeerka Diiwaangelinta oo ay ku lifaaqan tahay Xeerka Diiwaangelintu, waxaana halkaas ka dhashay Buuq iyo sawaxan ka imanayey Mudanayaasha Mucaaridka ku ah xeerkan.
Mudanayaasha Muxaafadka ah iyo kuwa mucaaradka ah ayaa isku maandhaafay Xeerkaasi, iyadoo kuwa Mucaaradka ahi ka soo horjeedeen, halka kuwa muxaafadka ahi ku doodeen in si duuduub ah loogu ansixiyo isla fadhiga maanta.
Hase ahaatee murankaasi oo golaha ka socda ayaa Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo isla saaka Safar kaga soo laabtay Dubai si kedis ah golaha u soo galay ulana wareegay Shirgudoonka fadhiga.
Waxa uu Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ku wargeliyay Mudanayaasha in xeerkan uu ku jiro khaladaad badan sidaasi darteedna uu Golaha hor Oolli doono, loona yeedhi doono Guddida Komishanka Doorashada si ay faahfaahin uga bixiyaan Xeerkan oo Muran hadheeyay, waxaanu sidaasi ku soo xidhay fadhigii wakiilada.
Mudaneyaasha Muxaafadka ah ee u kululaa Ansixinta Xeerkan ayaa weji gabax kala kulmay arrinta Guddoomiyaha Wakiiladu gudoomiyay. Waxaana laga dheehanayay in Xukumaddu dabada ka riixaysay ansixinta Xeerkan. Waxaanay si degdega badiba mudanayaasha Kulmiye ka soo jeedaa iskugu shubeen Madaxtooyada.
Doraad ayay Xisbiyada Mucaaradka ahi qaadaceen Diwaan galinta Madaniga ah oo Xukumaddu damacsan tahay inay dhawaan dalka ka hir galiso, ilaa haddana ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Dhinaca xukuumadda oo jawaab ah qaadacaada waddani iyo Ucid ee Diwaan galinta Madaniga ah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment