Saturday, September 13, 2014

Wasiir Samaale Oo Faahfaahiyey Miisaaniyad-sanadeedka 2015-ka Oo 18% Ka Badan Miisaaniyadii Sanadkii Hore

Hargeysa:Sep,13,2014(Himilo)-Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasis Maxamed Samaale, ayaa Maanta faahfaahiyey Odoroska Miisaaniyad Sanadeedka 2015-ka oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada Maantana loo Gudbiyey Golaha Wakiillada.

wasiir samaaaaaWasiir Samaale oo u warramayey idaacadda BBC-da, ayaa sheegay inay dedaal dheer u galeen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen miisaaniyadda Sanadka soo socda, isla-markaana u mahadnaqay shacabka oo ku sheegay cashuur Bixiyayaaal daacad ah.

Wasiirka oo faahfaahinaya tirada Miisaaniyadda Sanadkan iyo sida Dawladdu u kala leedahay waxa uu yidhi “ Waxay dhan tahay laba boqol iyo kow iyo konton iyo Saddex Boqol Oo Milyan. (251300,000milyan), Miisaaniyadda dawladd dhexe waa boqol iyo sideetan Milyan Dollar($180m),halka ta dawladaha hoose ka tahay 27milyan, hay’addaha madaxa banana 29 Milyan, Dakhliga naga soo galaya deeqaha Caalamiga ahina uu dhan yahay 14 Milyan Dollar, isku darkooduna waxa weeye 251 Milyan iyo saddex boqol oo kun oo Dollar” ayuu yidhi Wasiir Samaale.

Wasiir Samaale oo sharaxaya meelaha Miisaaniyadu ku kala baxayso waxa uu yidhi “ Mudnaanta 1-aad ee sannadkani waxa weeye Doorashooyinka Madaxtooyada iyo wakiilada iyo Diwaan galinta. Waxa kale oo runtii mudan Nabad galyada sida sanaada iyo qalabka Ciidamada, waxa kale oo jira Mashaariic-da waddooyinka, xannaanada xoolaha, Beeraha iyo dhismeyaal kala duwan oo wasaaraddaha ah” ayuu yidhi Samaale.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale sharaxay korodhka Miisaaniyadda iyo meelaha ay ka soo xarooto “Runtii Arsaaqada Illaahay baa bixiya, Marka Illaahay wax kula qabanayana wax walba wuu kuu fududeeyaa.Runtii sanad walba Miisaaniyadu way korodhaa, sanadkan waxay Miisaaniyaddu ka badan tahay sanadkii hore boqolkiiba sideed iyo toban, Illaahay wuu noo fududeeyay dadkuna si fiican bay u bixiyaan.inta badan Dakhligaasi waxa uu naga soo gala Cashuuraha barriga iyo kastamada kala duwan, waanuna u mahadnaqaynaa Umadda Somaliland ee bixisa Cashuurta”

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment