Sunday, September 14, 2014

HASS PETROLEUM oo noqotay Shirkaddii ugu horeysay ee dalka uga Gurmatay Shidaal-yaraan si weyn loo dareemay

Hargeysa, 14 Sept, 2014 (Himilo)- Shirkadda Caalamiga ah Hass Petroleum oo ka mid ah shirkadaha ka ganacsada Shidaalka, ayaa shaaca ka qaaday inay keentay Petrolka oo muddooyinkii u dambeeyey ka go’naa dalka.
hass-kenya-logo (1)Guddoomiyaha Shirkadda HASS Petroleum qaybteeda Somaliland Cabdirisaaq Ibraahin Ataash, ayaa sheegay in Dekedda magaalada Berbera uu ku xidhan yahay markab sida Shidaal ay shirkaddu ka keentay waddamada Khaliijka.
Guddoomiyaha Shirkadda HASS Petroleum, Cabdirisaaq Ibraahim, waxa uu sheegay in aanuu shidaalku ka go’in shirkaddooda, isla markaana aanay waxba ku darin qiimaha shidaalka ee kor u kacay iyaga oo eegaya bulshadooda kala tacaaleen inay qiimaha wax ku daraan.
Guddoomiyuhu oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Waatii uu Waddanku muddooyinkanba ku jiray dhibaatooyin dhinaca shidaalka ah uu qiimaha shidaalku kor u kacay, in kasta oo annaga HASS ahaan aan waxba naga go’in oo qiimahana aanaan kordhin, hadana Baatrolkayaga ayuunbaa la kaydinayey maadaama aanay cid kale shidaalkii haynin, markaa kaayagii ayuunbaa tashiil galay oo muddo dheer aanu cel-celinaynay, ugu dambayntina aanu hadda keenay shildaalkii oo uu markabkii siday soo xidhay hadda, taas ayaanu shacabka ugu bushaaraynaynaa, waxaana xusid mudan In muddadaas aanu ku mintidnay in aanu xaggayaga dhinaca qiimuhu kicin oo aanaan shilin ku darin, in kasta oo aan dareemayo inuu wax ku darsamay qiimaha shidaalku. Ugu dambayntina waddanka dhibaatadii shidaalka ayaanu ka saarnay maadaama oo aanu shidaalkii keenay, dadka waa in loo sheego inuu shidaal yimi, aad ayaad u mahadsan tihiin,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Shirkadda HASS oo warbaahinta la hadlay.
Sidoo kale, shidaalka dalka yimi waxa ka hadlay isla markaana xaqiijiyey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah iyo Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu dekedda Berbera ku xidhan yahay Markab sida Kun Tan oo shidaal ah, maalmaha soo socdana ay filayaan dekedda Berbera inuu ku soo xidho Markaab Sidda shidaal intaas ka badan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment