Thursday, September 4, 2014

Haweenay isu soo taagtay Doorashada Madaxtinimo ee Somalia ka Dhici Doonta Sanadka 2016-ka

Hilisinki:Sep,04,2014(Himilo)-Haweenay doonaysa inay Somalia madaxweyne ka noqoto doorashada soo socota, ayaa waxa maanta si weyn wax uga qoray Warbaahinta Dalka Finland.

irhFaadumo Dayib oo Soomaaliya ka carartay sanadkii 1990 haddana cilmiga siyaasadda ka barata jaamacadda Harvard ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay Soomaaliya M/weyne ka noqoto oo ay isku soo sharaxdo doorashada dalkaas ka dhacaysa 2016.

Faadumo waxay sheegtay inay doonayso inay noqotay qofkii ugu horeeyay ee dumar ah oo qabta xilka madaxtinimada Soomaaliya waxaana ay intaa ku dartay inay aaminsantahay inay shaqadaas qaban karto, waxaana ay intaa ku dartay inay isa soo sharixi doonto iyadoo aan soo marin hab beeleed.

“Waxaan doonayaa inaan noqdo M/weynaha Soomaaliya waxaana aaminsanahay in markan ay tahay xilligii dumarka fursad la siin lahaa sababtoo ah dumarka hadda waxay hogaanka u hayaan hawsha guriga, dhaqaalaha wadanka iyo kala agaasinka hawsha guriga marka waaba ay qaban karaan shaqadaan oo kale” ayay tidhi Faadumo Dayib oo la hadashay mid ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer dalka Finland.

Haddii ay noqoto M/weynaha Soomaaliya waxay sii balan qaaday inay wax qabanayso shaqo la’aanta dhalinyarada, xoojinta doorka dumarka , kor u qaadista wax barashada iyo ka hor tagista xad gudubyada loo geysto dadka la takooro.

Sanadka soo socda ayay Faadumo sheegtay inay Soomaaliya soo aadayso si ay u bilowdo ololaheeda oo ay doorashadda u bilowdo.

Sidoo kale haweeneydaan waxay sheegtay inay jiraan dad badan oo uga digaya inay xilkan isku soo sharaxdo hase ahaatee waxaa ay intaa ku dartay inay ka go’antahay inay sii wado ololaheeda waxaana ay xustay inay ku rajo weyntahay inay M/weyne noqoto iyadoo aan hab beeleed lagu soo dooran.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment