Thursday, September 4, 2014

Waxay Dib Xoriyadooda U Heleen 30 Sano Kadib Markii Maxkamadu Xukun Qalad Ah Ku Riday

Maxkamad ku taala deegaanka Robeson county ee gobalka waqooyiga dalka maraykanka ayaa dib xoriyadooda ugu soo celisay labo nin oo walaalo ah oo muddo 30 sano ah ku eedaysnaa falal dil kufsi ah kadib markii baadhitaan lagu sameeyay DNA-goodu uu muujiyay in aanay ahayn danbiilayaal.
Garsooraha maxkamda ayaa sheegay in hery lee collun oo 50 jir ah iyo leaon brown oo 46 jira lagu waayay wax cadayn ah oo la xidhiidha kiiska dacwadooda oo dhacay muddo haatan laga joogo 30 sano oo ku siman sanadii 1983kii iyagoo ku eedaysnaa inay kufsi iyo dil u gaysteen haweenay 11 jir ahayd oo lagu magacaabi jiray Sabrina buie, dhacdadan ayaa dhacday iyagoo labada nin wakhtigaasi dhalinyar ahaa.
Hery iyo leaon ayaa hada naafo ka ah qaybo jidhkooda ka mida oo ay maskaxdu ka mid tahay, waxaana xukunkooda oo si khalad ah u dhacay kadib markii ay sameeyeen qirasho been ah, taasoo midkiiba lagu xukumay wakhtigaasi xabsi daain.
Arrintani waxay muujinaysaa go’aan qaldan oo ay maxkamadu gaadhay markii ay xukunka ku fulinaysay labadan wiil ‘’ sidaas waxa yidhi brown oo ah xaakimka u doodayay labada eedaysane.
Sharciga maxkamadaha ee gobalka colorina ayaa dhigaya in qofka eedaysanaha ah marka dacwadahan oo kale lagu soo oogo la keeno cadaymo vedio ah ama aragti ah, laakiin sharcigan ayaa markii lasoo dajiyay ka danbeeyay markii ay dhacadadani ay dhacday oo ahayd 30 sano ka hor, iyadoo wakhtigaasi aanu sharcigani dhaqan gal ahayn.
Waalidiinta labada wiil ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in dib ay xoriyadooda u heleen wiilasha ay dhaleen wallow 30 sano ay ku qaadatay in cadaalada la waafajiyo arrintan.
Arrintan ayaa abuurtay shaki wayn oo laga qaado hanaanka garsoorka ee maxkamadaha maraykaynka gaar ahaan kuwa deegaanka dhacdadan halka ay ka dhcaday waxaana dad badan ay ku macneeyeen arrinta mid muujinaysa cadaalad la’aan wadanka maraykanka ka jirta maadaama ay muddo dheer qaadatay in la ogaado xaqiiqda kiiskan oo dhacay muddo dheer ka hor.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment