Ciidanka ayaa la sheegay inay si qaldan u qabteen gabadh 15-jir oo la socotay waalidkeeda, iyagoo u qaatay inay tahay gabadha lagu magacaabo Samantha Lewthwaite ee u dhalatay dalka Britain, taasi oo lala xidhiidhinayo Kooxaha Argagixisadda.Hadal ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in fasixii gabadha yar uu ka kharibay Askari ku sugan deegaanka Mlolongo ee duleedka magaalladda Nairobi, isagoo ku eedeeyey inay u muuqaal eg tahay Haweeneyda Britishka ee Samantha Lewthwaite ee loo baadi-goobayey falal argagixiso oo ka dhacay gudaha dalka Kenya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa lagu sheegay inay Dowladda Kenya bixin doonto Kharajka guud ee dalxiiska qoyska u dhashay Maraykanka, isla markaana ay Boliska baadhi doonaan dhacdada xadgudubka ee lagu sameeyey.
Samantha Lewthwaite, oo 30-jir waxay oori u ahayd Nin la odhan jirey Germaine Lidsay, kaasi oo ka mid ahaa afar nin oo isku qarxiyey magaalladda London bishii July 7-dii ee sannadkii 2005-tii, iyadoo qaraxaasi lagu dilay 52-qof.
Haweeneyda Britishka ee lagu naanayso Carmalladda Cad, waxay iyadoo yar ku soo biirtay Diinta Islaamka, waxaa lagu eedeeyaa inay ku lug lahayd weerarkii sannadkii hore lagu qaaday Xarumaha Ganacsiga ee Westgate ee magaalladda Nairobi, laguna dilay ugu yaraan 67-qof.
Boliska Kenya weli ma xaqiijin halka ay ku dambaysay tan iyo sannadkii 2011-kii oo la sheegay inay booqasho ku timid magaalladda Mombasa, iyadoo adeegsanayso Baasaboor South African oo la been abuuray.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment