Wednesday, September 17, 2014

Somaliland iyo Ethiopia oo magaalada Nairobi kaga Wada-hadlay dhammaystirka heshiisyo ay Wada-gaadheen M/weyne Siilaanyo iyo R/wasaare Desilegn

Muxuu Wasiir Biixi kala soo Noqday Socdaalkiisa Maraykanka iyo Canada?

Hargeysa, 17 Sept, 2014 (Himilo)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Sufyaan Axmed, ayaa wada-xaajood iyo falan-qayn ka yeeshay arrimo ku saabsan kor u qaadista xidhiidhka ganacsiga labada waddan oo qayb ka ah dhammaystirka heshiis dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Raysalwasaare Desalegn oo badhtamaha bishii todobaad ee sannadkan kulan ku dhexmaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

mr-biixi-downKulanka dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo Raysalwasaaraha Itoobiya oo qayb ka ahaa socdaal todobaaddo qaatay oo madaxweynuhu ugu baxay dalka Ingiriiska, waxa ay labada masuul dhammaystirka waxyaabihii kulankooda ka soo baxay u wakiisheen Wasiirrada Maaliyadda Itoobiya Sufyaan Axmed iyo Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, kuwaas oo dorraad magaalada Nairobi ku yeeshay kulan ay ku sii amba-qaadeen qodobbo ay laba bilood ka hor ka wada-hadleen madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Raysalwasaare Hailemariam Desalegn.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo shalay dalka ku soo laabtay ka dib Socdaal muddo saddex todobaad qaatay oo uu ugu maqnaa waddamada Maraykanka iyo Canada, waxa uu soo maray waddanka Kenya, halkaas oo kulamo kala duwan uu uu kula qaatay Wasiirro ka tirsan dawladda Itoobiya.

Wasiir Maxamed Bixi Yoonis waxa kale oo uu ka hadlayey ujeeddada kulamo uu magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeeshay Wasiirka iyo Wasiirul-dawlaha Maaliyadda dalka Itoobiya Sufyaan Axmed iyo Axmed Shide, waxa uu yidhi, “Shalay-na (Dorraad) waxaan soo maray Kenya oo aan la kulmay Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirul-dawlaha oo aanu ka wada-hadlaynay arrimihii Raysal-wasaaraha iyo Madaxweynuhu ka wada-hadleen ee ku lug lahaa xidhiidhka ganacsiga ee Ethiopia iyo Somaliland iyo sidii labadayada oo u xil-saarani aanu hawshaa u sii fulin lahayn si fiicanbay noogu dhacday.”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu ka warbixiyey natiijada socdaal uu ku tagay waddamada Maraykanka iyo Kanada iyo kulamo uu la qaatay madax ka tirsan Qaramada Midoobay, dawladaha Maraykanka iyo Canada.

“Waxaan safar ku tagay Maraykanka gaar ahaan New York, waxaanu la kulannay UN-ka iyo safaarado fara-badan oo kuwa UN-ka u fadhiya ah, kuwaasoo aanu kala hadlaynay qadiyadda Somaliland, muhiimadayaduna ay ahayd inaanu dhegaysanno waxa nalaga qabo, una sheegno Somaliland waxay u taagan tahay iyo waxa aanu ka qabannay oo aanu ka dhaadhicinno UN-ka iyo Safiirradaas hawsha culus ee Somaliland u qabsoomay ee nabad leh, ee horumar leh, jaar-wanaag leh iyo cilaaqaadka wanaagsan ee aanu la leenahay hay’adaha Qaramada midoobay ee halkan (Somaliland) deggen,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas ku daray, “Waxaan uga gudbay dalka Canada oo aan la kulmay wasaaradda Khaarajiga oo aanu uga warranay nabadda dalka taala, Somaliland waxay u taagan tahay iyo sidii aanu iskaashi ula yeelan lahayn dawladda Kanada,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.

HIMILOMEDIA.COM

No comments:

Post a Comment