
Ra’isal wasaaraha Dalka Britain David Cameroon, ayaa sheegay in dilka David Haines uu ahaa “ficil aad u xun oo waxshinimo ah” kaddib markii kooxda Daacish ay baahiyeen fiidiyow muujinaya iyagoo lahaystaha madaxa ka goynaaya.
Ra’iisul wasaaradaha ayaa wacad ku maray inuu sameynaayo waxkastoo ay awoodaan si ay u ugaarsadaan kuwa dilay 44-sano jirta ka shaqeynaayay howlaha gargaarka, kaas oo Syria lagu afduubtay bishii March ee sanadkii 2013-ka.
Mintidiinta khilaafada Islaamka ayaa hore madaxa uga gooyay laba nin oo u dhashay Mareykanka, taas oo ay sheegeen inay jawaab u tahay duqeymaha Mareykanka ee Ciraaq.
Fiidiyowga ugu dambeeyay waxaa xittaa ku jirto handadaad ah in la dilayo lahayste kale oo u dhashay Britain oo gacanta ugu jiro kooxdan.
Warqoraal ah oo kasoo baxay xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa lagu sheegay in Mike Haines oo la dhashay David Haines inuu sheegay in ay jeclaayeen dhammaan qoyskiisa, ayna waaydiisa ay dhibaato ku tahay.
Mr Cameroon ayaa sheegay dilka qof aan waxba galabsan oo gargaarka ka shaqeeya, ahaana aabaha laba caruur ah inay tahay arin naxdin leh.
Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa sheegay inay quloobtooda la murugooneyso qoyska Mr Haines iyo dhammaan dadka UK.
Warbixin ka soo baxday Mareykanka ayaa Mr Obama uu ku sheegay in ay Britain la shaqeyndoonaan iyo in isbeheysiga ballaadhan ee ay dhisayaan uu soo qaban doono dadka arrintan ka dambeeyay si loo horkeeno cadaaladda.
Filimka oo soo baxay habeenkii sabtida ayaa ku bilaabanaya codka David Cameroon, kaddibna waxaa la tusinayaa qof u muuqda inuu yahay Mr Haines oo ku lebisan dhar Huruud ah, oo jilbaha dhulka loo dhigay xaggiisa dambena uu taagan yahay nin wejiga duubtay oo midi gacanta ku haysta.
Dhibanaha, ayaa markaasi kaddib hadlaya oo odhanaya, “magaceygu waa David Cawthorne Haines. Waxaan doonayaa inaan ku dhawaaqo inaan kuu sheego, David Cameroon inaad gebi ahaanba masuul ka tahay dilkeygan”
Himilo Media
No comments:
Post a Comment