
“Dalkeennu waxa uu doonayaa inuu yeesho wax kasta oo dawladi leedahay ama Qaran leeyahay, waa inaynu yeelannaa, diiwaangelinta Muwaaddiniintuna waa mid ka mid ah rukummada ay ku taagan yihiin Qaramada dunidu, sababtoo ah waxa la caddaynayaa Muwaaddinka, yaa codayn kara, yaa xaq u leh inuu qaato Muwaaddinnimo uu ku codayn karo? Sidaad ogtihiin Xeerka diiwaangelinta Muwaaddiniintu waxa weeye Muwaaddiniinta dalkan joogta oo marka hore la tira-koobo lana caddeeyo inta ay yihiin iyada oo la siinayo Kaadhka Aqoonsiga.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye.
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo sidoo kalena ka mid ah Xildhibaannada Xisbiga KULMIYE ee laga soo doorto gobolka Togdheer ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Marka Kaadhka Aqoonsiga la siiyo ee la sugo Muwaaddinnimadiisa lana sugo tirada xaqa u leh inay is diiwaangeliyaan weeye. Markaa, tii noocaas ahayd ee Muwaaddinniinteenna lagu sugayey ee ay Cusbitaalka ku tagayeen, Hudheelladana ku seexanayeen inay Xisbiyada Mucaaridka ahi ka hor-yimaaddaan waxaan u arkaa ayaan-darro.”
“Waxa kale oo aan u arkaa inay carqaladaynayaan hannaankii iyo habkii ay u socotay doorashadu, waayo? Marka Kaadhka Aqoonsiga la qaato waxa kale oo la qaadanayaa kaadhkii cod-bixinta qofka Somaliland ah ayaana codaynaya, Xisbiyada Mucaaridka ahi ma waxay doonayaan inay u codeeyaan Hindi iyo Yemeniyiin? Dadka Reer Somaliland ayey cod ka doonayaan, inay markaas Kaadhka Aqoonsiga qofku qaato oo uu is-caddeeyo inay ka hor-yimaddaan ma qurux badna.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye.
Waxaanu Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeye intaas ku ladhay oo yidhi; “Xisbiyada Mucaaridka ahi waxay ka cabanayaan inay doorashadu dib u dhacayso iyaga ayaana rukunno ka mid ah wixii carqaladda ku ahaa doorashada keenaya sida qaaddacaaddii diiwaangelinta iyo inay is-hortaagaan Xeerka diiwaangelinta. Xisbiga Kulmiye waxa uu diyaar u yahay inuu soo dhigo doorashada marka ay dhammaadaan waxa ka horreeya ee diiwaangelinnadu, Xisbiyada Mucaaridka ahna waxaannu leenahay ha hor-istaagina hannaanka ay doorashadu u socoto kana hor-qaada carqaladaha.”
Waa markii u horreysay ee Masuul ka tirsan Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE uu sidan oo kale uga hadlo qaaddacaadda ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI sida wada-jirka ah Khamiistii u shaaciyeen inay qaaddeceen diiwaangelinta Madaniga ah ee Xukuumaddu diyaarinteeda waddo, iyaga oo ka biyo-diiday qodobbo Xeerka ku jira iyo Xukuumadda oo ay ku eedeeyeen inay burisay, isla markaana ka baxday Heshiisyo dhawr ah oo ay hore u wada saxeexdeen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment