Thursday, September 18, 2014

Ma Dhab-baa in Guddoomiye Saleebaan mar kale soo Magacaabay labadii Xubnood ee hore ugu jiray Komishanka?

Hargeysa, 18 Sept, 2014 (Sept)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa la sheegay inuu madaxweynaha Somaliland u gudbiyey labada xubnood ee Guurtidu xaqa u leedahay magacaabista todobada xubnood ee Guddiga Doorashooyinka muddo-xileedkoodu gabaabsiga yahay.
Todobada xubnood ee guddiga Doorashooyinka oo muddo-xileedkoodu ku egyahay badhtamaha bisha soo socota, ayaa madaxweyne Siilaanyo ku war-geliyey Axsaabta Mucaaradka iyo Guddiga doorashooyinka inay soo magacaabaan xubnaha u beddeli doona guddiga wakhtigan xilka sii haysa ka hor inta aan la gaadhin dhammaad muddo-xileedkooda.
Saleebaan-475x292Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Wargeyska Himilo u xaqiijiyey inuu guddoomiyaha Guurtidu Md Saleebaan Maxamuud Aadan uu madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey shalay magacyada laba xubnood oo ka tirsan guddiga muddo-xileedkoodu dhammaadka ku dhow yahay, kuwaas oo Golaha Guurtidu hore ugu magacaabay.
Waxa ay ilo-wareedyadu intaas ku dareen in Madaxweyne Siilaanyo ka biyo-diiday kuna celiyey guddoomiyaha xubnaha uu magacyadooda u gudbiyey, isla markaana uu ka dalbaday inuu beddelkooda u soo magacaabo wejiyo cusub oo aan hore uga tirsanaayn, waxaanu warku intaas ku daray in Guddoomiye Saleebaan ka cadhooday arrintaas, isla markaas xalay uu xalay madaxweynaha ugu tagay Qasriga madaxtooyada halkaaas oo kulan garnaqsi ah oo guddoomiyuhu kaga cawday sababtay uu ugu madaxweyne ahaan ugu soo celiyey labada xubnood ku dhexmaray.
Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo dusha kala socday kulanka xalay madaxtooyada ku dhexmaray madaxweynaha iyo guddoomiye Saleebaa, waxa uu Md Siilaanyo ku dooday in aanay xubnaha guddiga Doorashooyinka ka mid noqon doonin xubnihii hore ee wakhtigoodu sii dhammaanayo, isaga oo taas sabab uga dhigay inay ku fashilmeen doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee dalka qabsoontay daba-yaaqada sannadkii 2012-dii, taas oo khilaaf, khal-khal iyo isku-dhacyo dhiig ku daatay ka abuurtay dalka.
Kulanka xalay dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyaha Guurtida oo ay ku wehelinayeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda, ilo-wareedyada aanu warka ka soo xigannay noo may xaqiijiyin natiijada uu soo gebo-gaboobay iyo go’aanka ay labada masuul ee gugu sarreeya Dawladda Somaliland isla qaateen.
Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo tiradoodu tahay Todoba Xubnood, waxa sharciga dalku jidaynayaa inay soo kala magacaabaan Golaha Guurtida oo laba xubnood ka soo dhex-magacaaba bulshada Rayidka ah, Xisbiyada Mucaaradka oo iyaguna labada xubnood soo magacaaba halka saddexda xubnood ee kale uu soo xulo madaxweynuhu.
Xubnaha Komishanka Doorashooyhinka ee wakhtigoodu gabaabsiga yahay, ayaa xilka Guddiga doorashooyinka soo hayay muddo shan sanno ah, waxaanay dalka ka soo qabteen laba doorasho oo ay ka mid tahay doorashadii Madaxtooyada ee sannadkii 2010-kii guusha u soo hoysay xisbiga Kulmiye isla markaana madaxweyne Siilaanyo kursiga ku fuulay, taas oo si weyn loogu bogaadiyey hawl-gudashadeeda iyo qaabka ay ku wejaheen duruufo adag oo doorashadaas ku gedaamnaa.
Haseyeeshee Doorashadii Goleyaasha deegaanka ee sannadkii 2012-dii ka dhacday dalka, ayaa fadeexad iyo magac-xumo u soo jiidday Guddiga, ka dib markii wax isdabamarin iyo musuq-maasuq ka dhashay doorashadaasi sababeen isku-dhacyo dhiig ku daatay oo dhexmaray ciidamada Ammaanka iyo Taageerayaasha xisbiyo iyo ururro siyaasadeed oo cabasho ka muujiyey codad ay lahaayeen oo la leexsaday, in kasta oo caqabadaha ay doorashadaasi ahayd iyada oo Diiwaangelin la’aan lagu galay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment