Thursday, September 18, 2014

Qorulugud: Magacyada Saraakiil Ciidanka Qaranka ka tirsan oo Askari Dable ahi Toogasho ku dilay

Qorulugud, 18 Sept, 2014 (Himilo)- Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Askar, ayaa toogasho ku dilay laba sarkaal oo ka tirsan Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka oo saldhiggoodu yahay deegaanka Qorilugud ee gobolka Buuhoodle.
Askarigan oo markii uu dilka geystay baxsaday, ayaa la sheegay inuu tacshiirad ku furay labada sarkaal oo wakhtigaas ku sugnaa Xerada Guutada 17aad ee ciidanka Qaranka oo ku taala duleedka degmada Qorilugud, halkaasna ay markiiba naftu kaga baxday labada Sarkaal oo madax ka ahaa Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka.
Lama oga sababta ka dambaysa dilka Askarigani kula kacay Saraakiisha Ciidanka, mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Qaranka, haseyeeshee sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso, labada marxuum ayaa kala ahaa Abaan-duulihii Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka isla markaana ahaa Ku-simihii Taliyaha Guutada, Marxuum Maxamed Yuusuf Maxamed oo derejadiisa ahayd Kabtan, halka Marxuumka labaadma uu ahaa Taliyihii Hawl-gelinta Guutada 17aad Marxuum Jaamac Muxumed Xadi (Jaamac Bidaar) oo derejadiisu ahayd Kabtan. Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka, ayaa ka tirsan Qaybta 31aad ee Milatariga Somaliland.
Gacan ku-dhiiglaha dilka geystay oo la sheegay inuu deegaan ahaan ka soo jeedo degmada Qorilugud, ayaan ilaa hadda gacanta lagu dhigin iyada oo aan la garanayn halka uu jaan iyo cidhib ku dambeeyey, in kasta oo ciidanka Qaranka ee Jiiddaas ku sugan ay markiiba u hawl-galeen isla markaana ku daba-jiraan sidii ay gacanta ku dhigi lahaayeen gacan-ku-dhiiglaha dilka geystay.
Lama oga waxa dhexmaray iyo sababta keentay falka dilka ah ee dhegar-qabuhu u geystay Saraakiisha, haseyeeshee dhacdadan ayaa noqonaysa tii u horeysay nooceeda ee Askari ka tirsan Ciidanka Qaranku uu dil toos ah ula badheedho saraakiisha sar-sare ee ciidanka uu ka tirsan yahay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment