Thursday, September 11, 2014

Madaxweynaha Maraykanka Oo Kooxda Daacish Ugu Hanjabay inuu Dhakhso u Burburin Doono

Washington:Sep,11,2014(Himilo)-Madaxweyne Obama, ayaa Khudbad si weyn loo sugayey oo uu xalay Dalkiisa u jeediyey ku sheegay inuu diyaar u yahay Burburinta Kooxda Islaamiyiinta ah ee Daacish oo dhawaan Gawracday Wariyayaal u dhashay dalka Maraykanka.

obaamaMadaxweynuhu waxa uu khudbaddiisa ku faahfaahiyey Istaraatiijiyadda Dawladdiisa uga taalla La macaamilka Kooxdan, isagoo si cad u sheegay inuu diyaar u yahay Burburinta Kooxdan.

Khudbad la sugayay oo uu xalay jeediyay ayaa lagu soo beegay 13-guuradii ka soo wareegatay ayaa waxaa uu ka hadlay sidii looga hortagi lahaa kooxda IS, isagoo ka dhawaajiyay in mareykanka hogaaminayo isbaheysi la dagaalama kooxdaas.

“Hadii aad Mareykanka qatar ku tahay, meelna kuma nabadgeli doontid, waa bur burineynaa IS, waxaa badhtilmaameedsanayaa goobaha saldhiga u ah, anagoo adeegsanaya diyaarado cirka ka duqeeya”ayuu yidhi Obama oo sheegay in aanu xilligan ciidan dhulka u direyn Ciraaq.

Obama ayaa sheegay in dowladda Ciraaq uu ka taageerayo dagaalka ka dhanka ah dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya oo tilmaamay in si ka duwan sidii ay ula dagaalameen kooxihii argagixisada ula dagaalamayaan sida uu yidhi.

Waxaa uu sheegay qorshe cusub oo lagu naafeynayo IS, isla markaana marka ugu dambeya ay bur burin doonaan, isagoo tilmaamay inay diyaar u yihiin inay tallaab milateri oo dhan kasta ah ka qaadaan kooxdaas.

Hadalkan ka soo yeedhay Obama ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Mareykanka uu raadinayo taageero uu ka helo dalalka gobolka iyo caalamka, si loo qaado dagaal ka dhan ah Kooxda IS

 

Himilo Media

 

 

No comments:

Post a Comment