Thursday, September 11, 2014

Yuhuudda Oo Ku dhawaaqday Inay Baadhayaan Xasuuq Ciidankoodu u Geysteen Shacab Reer Falastiin ah

Juresalem:Sep,11,2014(Himilo)-Midka mid ah Maxkamadaha Militeriga Yuhuudda ayaa ku dhawaaqday inay Baadhitaan ku samayn doonto dacwado ka dhan ah ciidankooda oo la xidhiidha Dembiyo Dagaal.

xasuuqDacwadan ayaa waxaa qeyb kamid ah xasuuqii ka dhacay Iskuul ku yaal Gaza oo Qaramada Midoobay maamusho oo ay duqeeyeen ciidamada Isra’iil iyo waliba dilkii caruur Falastiiniyiin ah oo lagu dilay xeebta Gaza xili ay kubad ciyaarayeen.

Baadhitaanka ay sheegtay Maxkamada Militariga Isra’iil ayaa lagu tilmaamay mid ay Isra’iil isaga jeedineyso dhaliisha iyo eedeynta caalamka uga imanaya xiligii ay weerartay Gaza oo lagu dilay in ka badan 2000 Falastiin u badan shacab oo ay ku jiraan in ka badan 500 caruur ah. Duulaankaasi Isra’iil ayey sidoo kale ku dhaawacmeen in ku dhaw 11.000 qof.

Ma jirto cid wax caddaalad ah ka filaysa Maxkamadda Yuhuuddu ka furtay Kiiska Ciidankeeda ka dhanka ah, waxana la sheegayaa inay kaliya ujeeddadoodu tahay in lagu marin habaabiyo baadhitaano madax bannaan oo qaramada Midoobay codsatay in laga furo xasuuqa yuhuuddu geysatay.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment