Thursday, September 18, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo Shacabka ugu baaqay inaanay Cidna ugu habran Muujinta Jiritaanka Qaranimadooda

Md Siilaanyo oo kulamo la qaatay Ururrada Bulshada iyo Bahda Waxbarashada

Hargeysa, 18 Sept, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ugu baaqay inay waajibka kaga aaddan ka gutaan isla markaana si midaysan looga qayb-qaato diiwaangelinta Madaniga ah.

DSC_0282 Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ballan-qaaday inay dawlad ahaan dhankooda ka soo baxayaan waajibaadka xil ee ka saaran qaranimada oo diiwaangelinta Madaniga ahi ku jirto, balse loo baahan yahay in la muujiyo heerka waddaniyadda shacabka ee dhismaha Qaranimada Somaliland. Md Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu sidaas ka sheegay kulamo uu shalay si gooni-gooni ah ula qaatay Ururrada bulshada Rayidka ah iyo Bahda Waxbarashada oo guddoomiyeyaasha Jaamacadaha iyo Maamuleyaasha Dugsiyada dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ka mid yihiin. Madaxweynuhu waxa uu shacabka u soo jeediyey inay bulshada caalamka u muujiyaan qadiyaddooda iyo jiritaanka qaranimada Somaliland, waxaanu yidhi, “Warqadda Aqoonsiga Somaliland-nada in la wada-qaato waa Waajib ina wada-saaran. Waxay ila tahay, haddaynu ummad iyo dad nahay inaynu muujinno Qaranimadeenna, madax-bannaanideeda, in waddan jira oo Somaliland la yidhaahdo jiro oo aynaan cidna ugu habran oo laga wada-qayb qaato, waa xil iyo waajib innaga wada-saaran Qaranka. Markaa bulshadeennu siday u dhan tahay, bahda waxbarashadu u wayntahay waxaan leeyahay aynu hawsha wada-fulinno oo xil iska saarno oo qof waliba xilka inta kaaga beegan ka qayb-qaado.” Madaxweynuhu waxa uu ballan-qaaday doorka ay xukuumad ahaan ka qaadanayaan hirgelinta Diiwaangelinta iyo kaalinta looga baahan yahay inay ka gestaan qaybaha kala duwan bulshada. “Haddaanu dawladda nahay, waajibaadka nala gudboon, waxaanu ka qaadanaynaa, xilkayaga waanu ka soo baxaynaa, waxaanu jecelnahay inaanu qaranka meel uga soo wada-jeesanno oo ururrada bulshada, hay’adaha kala duwan, axsaabta aynu meel iska wada-taagno arrintaa,” ayuu yidhi Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Kulanka madaxweynuhu la qaatay Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Bahda Waxbarashada waxa goob-joog ka ahaa Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada, Qorshaynta Qaranka iyo Waxbarashada. Himilomedia.com Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment