Hargeysa, 18 Sept, 2014 (Himilo)- Waxa shalay mar kale dib-u-dhac ku yimi kulan loo ballansanaa in guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradku Aqalka madaxtooyada kula yeesheen madaxweyne Siilaanyo, ka dib markii sidan oo kale dorraad gelinkii dambe uu baaqday kulan dhexmari lahaa labada xisbi mucaarad iyo Wasiirro xukuumadda ka tirsan.
Laba Guddoomiye ee xisbiyada Mucaaradka, ayaa shalay qasriga madaxtooyada ugu tagay Madaxweyne Siilaanyo oo sida la sheegay ay la ballansanaayeen, balse lagu wargeliyey in kulankaasi dib loogu dhigay maalinta Sabtida ee soo socota sababo la xidhiidha kulamo madaxweynuhu shalay la lahaa ururrada Bulshada Rayidka ah.Guddoomiyeyaasha UCID iyo WADDANI oo madaxtooyada dhexdeeda kula hadlay warbaahinta, oo halkaas diyaar ugu ahayd inay ka qayb-galaan kulanka madaxweynuhu la yeeshay Ururrada bulshada, ka dib markii lagu war-geliyey in aanu suurto-gal ahayn kulan dhexmara madaxweynaha, waxa ay ka hadleen sababaha keenay dib-u-dhaca ku yimi kulanka iyo khilaafka dhinaca sharciga ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka digay cawaaqib-xumo ka dhalan-karta haddii aan la sixin khaladaad uu sheegay inuu ku jiro xeerka diiwaangellinta, isaga oo ku hanjabay inay mucaarad ahaan ka qaadan doonaan mowqif liddi ku ah rabitaanka xukuumadda.
“Waa mar labaadkii aan ku soo noqday Madaxweynaha, labada jeerba anagaa go’aansannay inaanu u tagno. Annagu waxaanu aragnaa Xeerka la gudbiyey inaanu u fasaxayn dalka inay doorasho ka dhacdo. Waxaanu u aragna habka tayraha la wado inuu yahay hab lagu habsaaminayo inay doorasho dhacdo. Waxaanu jecellahay Insha Allahu tacaalaa, Sabtida ballantaa u dambaysa aanu madaxweynaha is-aragno inaanu ka soo saaro doono war, in waxan ay wadaan socoto, inay ku soo noqdaan habkii lagu heshiiyey iyo inaanu arrintaa iska hor taagno, si ay doorasho u suurto-gasho,” ayuu yidhih Faysal Cali Waraabe.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Taysarada lama diidin, laakiin caqliga ma gasho, taysaro (Diiwaangelinta Madaniga ah) marka la qabto, ayaa la ina ictiraafayaa, waa waxa Habraha loogu sheekeeyo; Taysaro marka la qabto, ayaa la qabanayaa Voter Registration (Diiwaangelinta codbixiyaha) oo waa laga soo dhex-saarayaa, taasina wax suurtogalaysa maaha, waxaan u aragnaa Khiddad waddanka Murug galinaysa. Haddii arrintaa aanu ka heshiin weyno Sabtida, haddaanu Berriba sugi kari weyno!”
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo la weydiiyey sababaha keenay dib-u-dhaca ku yimi kulamo Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradku ugu ballameen inay is-faham guud ka gaadhaan khilaafka ka aloosan Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah, waxa uu ku jawaabay, “Taa iyagaad weydiinaysaa, laakiin annagu ilaa 23-kii Ogost ergo ayaanu ahayn, waar ka daaya sidan wax loo wado ayaanu lahayn, wuu naga soo dhammaanayaa dulqaadkii, haddaan laysku joojinayn, la isku joojin maayo. Haddaad dib taariikhda u raacdaan dagaalkii 94-kii wuxuu ka bilaabmay laysku joojin maayo. Laysku joojin maayo, dalkani kuma soconayo. Haddii laysku joojin waayo, cawaaqib-xumo ayay yeelan doontaa.”
Dhinaca kale, guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo isaguna ka dareen-celiyey baaqashada kulanka dhexmari lahaa madaxweynaha, ayaa yidhi, “Ilaa shalay (dorraad), sida laga warqabo, wuu baaqday (kulanka). Markaa arrintaa ku saabsan Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo Diiwaangelinta Muwaadiniinta iyo kala madax-bannaanidooda, ayaanu halkan u nimi inaanu kala hadalno madaxweynaha. Maanta (shalay) madaxweynuhu ballanbuu lahaa, ballantii aanu la lahayn madaxweynahana waxaanu la kulmi doonaa Sabtida.”
Kulanka la filayo inay Isku wejahaan madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha Mucaaradka maalinta Sabtida ee todobaadka soo socda, ayaa noqonaya kulankii labaad ee labada dhinaca kaga wada-hadlaan khilaaf ka taagan qodobbo ku jira qabyo-qoraalka Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah oo xisbiyada Mucaaradku ku doodayaan inay caqabad ku yihiin Doorashooyinka oo wakhtiga loo muddeeyey ku qabsooma.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment