Haweenay da’ ah oo u dhalatay dalka mexico oo da’deedu hada marayso 127 sano laguna magacaabo Leandra Becerra ayaa ka warantay sirta ay u aanaynayso inay wakhtigan kusoo gaadho tii oo wali badqabta hadana da’deedu aad u sarayso iyada oo ku sababaysay isticmaalka chocolate-ka oo ay aad u cunto iyo hurdo wakhti dheer ay seexato.
Leandra ayaa sheegtay in ilaa wakhtigi yaraanteeda ay aad u jeclayd isticmaalka chocolate-ka iyo macmacaanka iyo waliba iyada oo aad u dheeraysan jirtay hurddada,taasina ay keentay in aanay wax badan iska badalin qaab dhismeedka jidhka walaw ay hada da’ tahay.
Qaar kamida warbaahinta kasoo baxda dalka mexico oo waraysi la yeeshay gabadhan da’da ah ayaa waxay uga warantay in mararka qaar ay hurdada qaadan jirtay saacado badan oo dheeraad ah oo ka badan kuwa caadiga ah ee dadku seexdaan iyada oo sheegtay in maalmo isku xigta aanay hurdada ka kici jirin isla markaan ay aad u adeegsan jirtay cunista chocolate-ka.
Gabadhan da’da ah ayaa sheegtay inay dhalatay sanadii 1887 waxaanay hada dhibaato ka haysato dhanka maqalka ayaa waxay tilmaantay sidoo kale inay aad u xasuusantahay sheekooyin badan iyo dhacdooyin soo maray ila wakhtigi yaraanteedii, qaar ka mida caruurta ay ayeyda u tahay ayaa sheegay in marka ay u sheekaynayso ay si wanagsan ugu tilmaanto dhacdooyin hore oo soo maray iyada oo aanay ka muuqan wax isbadal dhanka maskaxda ah.
Leandra Becerra oo 127 sano jir ah ayaa muddo dheer waxay kusoo shaqaynaysay dawaarka iyadoo ka shaqayn jirtay mid ka mida shirkadaha waawayn ee dharka lagu farsameeyo, laakiin hada hawshaas waxay sheegtay inay tahay mid ku adag maadaama aanay awoodin in wakhti badan ay lugaheeda ka shaqaysiiso, waxaana Becerra ay eheladeeda ka codsatay in sanad guuradeeda 128aad ay u sameeyeen sidii caadada ahayd cunto chocolate-ku ku badan yahay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment