Wednesday, September 3, 2014

Yaabka Dunida: Gabadh 8 Jir Ah Oo Loo Guuriyey Wiil 12 Jir Ah

Booliska gobolka Balkh ee ku yaala Waqooyiga dalka Afghanistan ayaa xabsiga u taxaabay waalidiinta dhalay laba caruur ah kuwaasoo ku eedaysan inay ka daneeyeen guurka laba caruur ah oo aad u da’yar.
Sida lagu baahiyay wakaaladaha wararka ee dunnida arrintan ayaa ka dhacday tuulo ku taala waqooyiga dalka afganistan gaar ahaana meel u dhaw xadka wadankaasi la wadaago dalka Tajikistan waxaana ciidamada amaanku ay arrinta ku war heleen markii ay maalmo yar kasoo wareegtay dhacdadan, muuqaalo iyo sawiro laga soo duubay laba caruur ah ayaa muujinayay gabadh yar oo da’deedu tahay 8 sano oo si qasab ah loogu guuriyay wiil isna da’diisu tahay 12 jir, waxaana sawirada lagu arkayay muuqaalo muujinaya xaflada arooskooda oo dad badani kasoo xaadireen.
Booliska dalka afganistan ayaa macluumadka ay ka bixiyeen dhacdadan waxay ku sheegeen in gabadha yar oo magaceeda la yidhaa mene oo hada ku jirta sanadkeedii 8aad ay rajay tahay oo hooyadii dhashay ay dhimatay, waxaana aabaheed oo boolisku waraysi la yeesheen uu sheegay in arooska gabadhiisa ka helay lacag badan oo sooryo ah taas oo uu damacsana inuu isna ku guursado xaas kale maadama hooyadii u dhashay gabadha yar ay wakhti hore dhimatay.
Arrintan ayaa si weyn usoo jiidatay warbaahinta dalka afganistan iyo guud ahaanba caalamka iyadoo hay’adaha xaquuqda aadamaha u dooda ay arrintan ku sheegeen inay tahay mid meel ka dhac ku ah xaquuqda caruurta, waxaana dawlada afganistan ay dusha u saareen masuuliyada arrintan caruurta yaryar ee laysku guuriyo ayaa waxay ahayd dhaqan muddooyinkii danbe ka socday dalka afganistan iyadoo loo sababaynayo dagaalada mudada sanadada badan ah wadankaas ka socda,waxaana waalidiinta qaar ay arrintan u sameeyeen si ay lacag ugu helaan ubadka ay dhaleen taas oo keentay inay isku guuriyaan wakhti hore tiiyoo da’doodu aad u hoosayso, balse dawlada afganistan ayaa arrintan marar badan kasoo saartay sharciyo adag oo lagu mamnuucayo iyada oo waalidinta arrintan lagu helana dawlada amaro adag kusoo rogtay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment