Sunday, September 14, 2014

Milicsiga Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii -W/Q: Cali Cabdi Coomay

Sababihii Dagaalka Keenay
Markii Itoobiya ay diciiftay, Xayle Salaasana la inqilaabay ayey Soomaalidu ku tashatay in laga faa’iidaysto nuglaanta ku timid Itoobiya, waayo Itoobiya waxay Soomaaliya soo weerartay markii ay xornimada qaateen afar sanno kadib, waqtigaas oo ku beegnayd 1964, sababta weerarkaas keentay ayaa taariikhyahannadu ku sheegeen in Itoobiya fursad u arkaysay in laga faa’iidaysto Soomaaliya oo awood aan lahayn waqtigaas awgeed.
Maxamed Siyaad Barre, ayaa aad u dareensanaa in laga jawaabo weerarkii wakhtigaa lagu soo qaaday Soomaaliya. Aragti kalena waxay ayaa ah in Maxamed Siyaad Barre doonaayey inuu Daaroodka Kililka 5-aad ee Itoobiya degan uu xorreeyo, kadibna Soomaaliya ku soo daro si Daaroodku u noqdaan xoog iyo aqlabiyad si ay kursiga Madaxweynaha mar kasta ugu fadhiistaan.
Waxay taariikhaha qaar sheegayaan inuu doonayo in ay awood weyn yeeshaan isbaahaysigii la odhan jiray “MODH” oo loo soo gaabiyey Mareexaan, Ogaadeen iyo Dhulbahante, taasina wuxuu uga sii dan lahaa in Ogaadeenka degan Itoobiya qayb weyn ka qaato, xoogna ku yeeshaan Soomaaliya.Si kastaba ha ahaatee, waxa jiray sababaa kala duwan.
Cabdiraxmaan Axmed Cali “Cabdiraxmaan Tuur” (AUN) oo wakhtigaas ahaa safiirka Soomaaliya Itoobiya u fadhiya ayaa ka hadlay sababta, waxaannu ku sheegay in Itoobiya wakhtigaas (1977-kii) ahayd diciif, hadddii aan imika laga qabsan dhulka Soomaalidu dego ay adkaan doonto in goor kale laga qabsado.
Waxaannu intaas ku daray in Itoobiya ay cabsi weyn ka haysay in Soomaaliya qabsato, sababtoo ah xoogga ciidanka ee Soomaliya lahayd awgeed, kadib waxa loo xilsaaray Gen. Galaal inuu tababaro jabhadii WSLF, waxaannu sheegay inuu tababarka u bilaabay horraantii sannadkii 1975 ilaa 1977-kii badhtamihiisii. Waxa ay xarumo tababar ku lahaayeen gudaha Soomaaliya oo ay ka mid tahay Baladweyne, Doolow, Xuddur iyo gobollada waqooyi meelo ka mid ah.
Waxa idaacada Radio Muqdisho laga saari jiray heeso gobonimo doon ah oo shacabka rayigooda wax lagaga beddelaayo, laguna dhiirigelinaayo dadweynaha Soomaalida ah ee degen dhulka Itoobiya inay iska duqlaadaan guumaysiga, lana shaqeeyaan jabhada WSLF.
Ciidammo farabadan oo loo tababaray jabhada WSLF ayaa la gelin jiray gudaha dhulka Itoobiya si ay ula dagalamaan ciidanka Itoobiya ee fadhiisinka ku leh dhulka Soomaaliya degmo, waxaan gudaha ka dhici jiray dagaalo goos-goos ah, laakiin markii dambe isu rogay dagaalo culus, kuwaasoo toos u socday ilaa ay guullo gaadheen.

siyaad bareMaxamed Siyaad iyo Ilaaladiisa.
Mar kale, toddobaatameeyadii, Itoobiya waxaa ka muuqday baylah maamul, dhaqaale-xumo, tabasho iyo guux ka jiray bulshada dhexdeeda. Sidaa darteed, Sept. 1974, ciidamadu waxaay afgembiyeen boqortooyadii Haile Selassie. Isla markaa, inqilaabka waxaa ka dhashay loollan dhegta dhiigga la isu daray si saraakiisha sare u kala hororsadaan hoggaaminta dalka.
Xilligaa waxaa aad u dhisnaa ciidanka Xoogga Dalka Somaaliyeed. Waxaana soo kordhay dareen in Somaalidu sidii ay rabto ugu durdurin karaan Xabashida. Haddaba, dabayaaqadii 1977 Somaalidu waxaa ay weerar ku ekeeyeen Itoobiya, iyagoo durbaba ka fara-maroojiyay 60% Gobolka Ogaadeeniya ee Somaalida.
Waxii ka horreeyay dagaalkii 1977, tirada ciidanka Somaaliyeed waxaa lagu qiyaasay 23,000. Waxaana ay ku hubaysnaayeen tiro 250 taangiyada Ruushka (noocyada T-34 iyo T-54/T-55) taasoo u dhigantay saddex jibbaar taangiyada Itoobiya. Sidoo kale waxaa ay wateen ilaa 300 gaadiidka dhexe ee hubka xanbaarta (APCs). Ciidanka cirku isaguna waxaa uu ka awood roonaa dhiggooda iyagoo haystay tiro 52 dayuuradood oo 24 ka mid ah ay ahaayeen nooca MiG21 ee ka dheereeya codkooda (supersonic), halka ciidanka cirka ee Ethiopia uu ka lahaa 35 dayuuradood oo 16 ka mid ah ay ahaayeen nooca F5A /E.
Dabayaaqadii 1977, waxaa oodda soo jabsaday ciidan tiradoodu gaadhaysay konton kun oo isugu jira ciidaamada rigliga ah (35,000) iyo Jabhadda Xoraynta Somaali Galbeed, WSLF (15,000). Somaalidu waxay isu qaabeeyeen gaasyo mid kastaa ka koobanaa 2-4 guuto (1200-2000). Hargeysa, magaalo madaxda Gobolada Waqooyi ayaa noqotay xarunta laga hoggaamiyo dagaalka.Durbaba, gaadmadii, ku dhufo oo ka dhaqaaa (guerrilla war) waxaa loo rogay dagaal toos ah (conventional war). Waxaa foodda is daray ciidamadii labada dal.
Naqshadii Dagaalkii 1977-1978
Kaartadii dagaalka lagu galay waxa loo bixiyey ‘Hawlgalkii Dalka, Dadka iyo Biyaha (HDDB), waxaana loo xilsaaray Gen. Maxamed Nuur galaal. Ciidanka Qalabka (CQ) siday waxa loo qaybiyey saddex qaybood oo kala ahaa:

1. Koonfurta Galbeed (Qabta 60aad) oo ka weerartamay aagga Siidaamo (Godey, Filtu, Suuffa ilaa Negayle). Waxa taliye u ahaa Cabdillaahi Yuusuf Axmed, weerarkii hore wuxuu qabsaday Goday iyo nawaaxiga.
2. Gobollada dhexe (Qaybta 21aad) oo ka weerartamay Qabri-daharre iyo degaanka ku teedsan. Waxaanay qabsadeen dhulkii loo xilsaarya, taliyahoodana wuxuu ahaa Yuusuf Axmed Salxaan.
3. Waqooyi Galbeed (Qaybta 26aad) oo ka weerartamay Dhegax-buur, Jigjiga iyo Diridhabe. Weerarkii u horreeyey waxay qabsadeen Dhegax-buur, waxaana taliye u ahaa Maxamed Nuur Galaal, halka taliyaha guud ee taakulaynta iyo saadka looga dhigay G/Sare Maxamuud Sh. Cismaan (Cirro).
Qallinkii
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:
Colaadihii Geeska…Cali Cabdi Coomay

La soco…

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment