Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID, ayaa sheegay in xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye kaga baxeen kulan ay ugu ballansanaayeen inay is-faham ka yeesheen qodobbo ku jira xeerka Diiwaangelinta oo ay mucaarad ahaan saluug ka muujiyeen, kaas oo sida ay habeen hore warbaahinta u sheegeen ku qabsoomi lahaa hotel Ambassador ee Hargeysa.
Xisbiga Kulmiye waxa uu sheegay inay soo dhawaynayaan isla markaana diyaar u yihiin in wada-hadal iyo madal axsaabta qaranku ku dhan yihiin lagaga tashado caqabadaha ku gedaaman ee xeerka diiwaangelinta ah ee ku gedaaman hirgelinta diiwaangelinaha Madaniga ah iyo doorashada, waxase ay sheegeen xisbi ahaan inay aaminsan yihiin in qabyo-tirka xeerka diiwaangelinta loo dhaafo in goleyaasha sharci-dejinta waajibaadkooda ka gutaan.
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga, waxa uu sheegay in aanay Xisbi ahaan qayb ka ahayn kulamada dhexmaray iyo ballanta u taalay Mucaaradka iyo Xukuumadda.“Annagu kulamada hore ee ay wasiirrada la yeesheen kamaanaan mid ahayn, waxaananu u arki karnaa in mar walba wixii dan ah laga wada kulmi karo; in xisbiyada iyo madaxweynuhu Kulmi karaan, in xisbiyada iyo wasiirradu danaha ka wada-hadli karaan, in xisbiyada qarankuna wada-hadali karaan,” sidaas ayuu yidhi Maxamed Kaahin oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa ay xisbi ahaan kaga jawabayaan eedayn mucaaradku ujeediyey.
Maxamed Kaahin Axmed waxa uu shirka jaraa’id ka akhriyey war-saxaafadeed ay xisbi ahaan kaga dareen-celinayaan eedaynta iyo mawqifka Kulmiye ee siyaasadda daneeyeyaasha Doorashooyinka iyo Diiwaangelinaha dalka, kaas oo lagu shaaciyey go’aamo ka soo baxay kulan shalay gelinkii hore xarunta Dhexe ee Kulmiye ku dhexmaray hoggaanka sar-sare ee xisbul-xaakimka.
War-murtiyeedka lagu shaaciyey mowqifka xisbiga ee hoggaanka Kulmiye kulanka ka yeeshay shalay oo ay kaga jawaabeen eedaynta Mucaaradka, ayaa u dhignaa sidan: “Xisbiga Kulmiye isaga oo tixgelinaya wada-hadalladii muddada dheer u soo socday daneeyayaasha arrimaha Doorashooyinka iyo Diiwaangelinaha, xisbiga Kulmiye marna kamuu bixin wixii ay ku heshiiyeen axsaabta Qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha.
Axsaabta Mucaaradka ah waxay noo joogtay annaga oo ka doodayna is-waafajinta Aragtiyaha kala duwan ee laga qabo xeerka qabyada ah ee horyaala Golaha Wakillada, ayay xisbiyada mucaaradku soo saareen go’aan ay ku qaaddaceen diiwaangelinta Madaniga ah.
Waxa noo xigtay bisha 16-keedii inay xidhiidh nala soo sameeyeen oo isla galabtii intay ballan noo qabteen, annaguna waxaanu u soo jeedinnay in ay deg-deg tahay xisbi ahaanna inaanu iska aragno aanu u baahannahay, iyagana ajandaha iyo madashana aanu isla meel dhigno. Isla Xalayna (Habeen hore) waxay soo saareen eedayn ay nagu eedaynayaan in aanu ballan kaga baxnay.
Xisbiga Kulmiye wuxuu umadda u caddaynayaa inuu wada-hadal diyaar u yahay, labada diiwaangelinoodna halkii laysku ogaa uu ka taagan yahay, xeerka qabyada ahna waxaanu u soo jeedinayaa in majarihiisa sharciga loo daayo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment