Tuesday, September 16, 2014

Qaramada Midoobay iyo Khubaro Caafimaad oo oo isku khilaafay Saamaynta Caafimaad ee Telefoonada Gacantu sababaan!

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO, ayaa warbixin ay soo saartay ku shaacisay in telefoonka gacanta lagu qaato ee (Mobile)-ku uu sababo cudurka Kansarka gaar ahaan qaybtiisa maskaxda ku dhacda, haseyeeshee waxa warbixinta caafimaad ka soo horjeestay koox khubaro Caafimaad ah oo ka kala socda dunidu, kuwaas oo ay warbixin ay soo saareen ku dedaafeeyey digniinta caafimaadka ee WHO soo saartay.
Hay’adda WHO waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in baadhitaan lagu sameeyay dad tiradoodu gaadhsiisan tahay 2,708 qof lagu ogaatay in Mobile-ku dhalin karo kansarka maskaxda ku dhaca.
Haseyeeshee, Ugu yaraan 17- xeel dheere oo ku takhakhusay xanuunada maskaxda ku dhaca iyo xanuunka Kansarka ayaa iyaguna sheegay in baadhitaan kasta oo ay qaybaha maskaxda ku sameeyeen ay ku ogaadeen in xanuunka Kansarka iyo telefoonka gacantu aanay xidhiidh yeelan karin, wax xanuun ahna aanu sabab u noqon karin. Is burintan warbixinahan ayay dad badani walaac ka muujiyeen, waana markii ugu horaysay ee WHO iyo khubarada caafimaadku isku qabsadaan arrin la xidhiidha caafimaadka aadamaha. Isku soo wada duubo waxaa loo malaynayaa in talaabada khubarada ay ka danbayso arrin ganacsi maadama oo moobilada dunida lagu isticmaala xiligan marayaan halkii ugu saraysay tiradoodu aad u badanayso.
Himilomedia.com
Hargesa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment