Tuesday, September 16, 2014

‘Buunbuuninta iyo weerarka madaxwaynaha maaha mid wax ka taraya waxaad doonaysaan!’-W/Q Xasan Suudi Xirsi Siyaasi madaxbanaan

Wasiir Xirsi: “Anigu Raysal-Wasaare Ma Ihi, Madaxweynuhuna Iima Magacaabin Sharcigana Kuma Jirto.”
Waxa maalmahan ka muuqatay xisbiga Waddani, weeraro aan xadaysnayn oo inta badan garaacaya durbaano aan danta qaranka meelna ku lahayn taasoo shaki abuuraysa sida ay wax u wadaan ama ay u tilmaamayaan.
Xisbiga mucaaridka ihi wuxuu xaq u leeyahay inuu sameeyo toosin, talobixin iyo tilmaamo wax ku kordhinaya geeddi-socodka dimuquraadiga ah ee Somaliland taasoo xisbigu uu ka mid yahay xisbiyada qaranka, qarankuna xaq uu u leeyahay in laga ilaaliyo abuuris jahawareer, ku jiqsiin, yaan waxba soconin, iyadoo ujeeddadu ay tahay si aan qaranku u gaadhin yoolka uu leeyahay xukuumaduna aanay fulin ballan-qaadkii ay qaadday oo maanta maraya meel mucjiso ah oo cadceed oo kale, oo aan cidna u suurto galayn inay gacanta ku daboolaan.
Xukuumadda uu hogaaminayo mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland wuxuu dalkan u soo maray halgan dheer, wuxuu u soo huray naftiisa, wuxuu siistay guulaysiga Somaliland wax kasta oo suurto gal ah, wuxuu u samray sidii dalku u gaadhi lahaa meesha uu maraayo, wuxuu ku qancay in danta guud ka horayso kursi, waxaana taa markhaati u ah wuxuu ogolaaday in kursiga madaxwaynaha lagaga helay 80 cod oo kaliya sida la sheegay, arrintaasi kamay suurto gasheen kuwa hadda u ooman, u jeel qaba inay mar uun salka dhigaan kursiga madaxtooyada somaliland.
Haddaynu si kale u nidhaahno qofkasta oo muwaadini xaq ayuu u leeyahay sida ku cad dastoorka inuu wax doorto lana doorto, waxase ku waajiba rabitaanka inuu hogaamiyo dastoorka qaranka iyo geeddi socodka dimuquraadiyada.
Xisbiga Waddani waanu qiimaynaynaa inta sharcigu u ogol yahay, laakiin qiimayntu waxay ku xidhan tahay si isagu ugu dhaqmo hirgalinta saxda ah ee dastoorka qaranka, iyo asluubta hagaagsan ee siyaasada taasoo u baahan dhawris cidii xaq u leh in la dhawro sida madaxwaynaha qaranka oo ku fadhiya codka shacbiga somailland 52% markii hore, imikana marka la eego saadaasha siyaasada iyo rabitaanka shacbiga laga bilaabo Saylac ilaa ceelaayo waxa muuqata in tartanka doorashada ee madaxtooyada 2015 inuu heli karo 70%-75%.
Arrintaasi waxay meesha ka saaraysaa walaaca ay muujinayaan xisbiga Waddani oo ah waxaa la doonayaa in dib loo dhigo doorashada, taasoo aanu shaqo ku lahayn madaxwaynaha iyo xukuumaddu laakiin cidda dib u dhigi kartaa marka duruufi timaado ay tahay golaha shacbiga iyo guurtida, sidii awalba ay guurtidu u kordhiyeen golaha shacbiga muddo shan sanno ah oo uu ka mid yahay guddoomiyaha Waddani oo ah guddoomiyaha golaha shacbiga.
Waxa haboon inuu is waydiiyo xisbiga Waddani oo ay xusuusiyaan guddoomiyahooda inaanay xaaraan ahayn haddii ay timaado duruufi in golaha shacbigu uu sameeyo muddo kordhin laakiin arrintaasi muuqaalkeeda siyaasadeed kama muuqdo xukuumada waxase aan ku leenahay xisbiga Waddani (baabaa giib noom taani) taa micnaheedu waxa weeyi waxaad ka hadlaysaan idinka ayay idinku kooban tahay markaa wax kale keena.
Arrinta kale ee ah diwaan galinta muwaadinka oo wasaarada arimaha guduhu ay dhamaystirtay iyagoo ku mahadsan dhamaan kaabayaashii diwaangalinta madaniga ah, taasoo cadaynaysa sida sharcigu yahay sharcinimada muwaadinka wax dooranaya oo ay tahay inuu ku sugnaado kuna cadaado muwaadin Somalliand, taasaa jidaynaysa in diwaangalinta madaniga ahi ay ka horayso diwaangalinta doorashada.
Waxase muuqata madaxda waddani inta badan iyo weerarka badan ee ay ku hayaan madaxwaynaha iyo xukuumada, inay yihiin tilmaamo dadban iyo qaar toos ah oo ku salaysan rabitaanka kursiga madaxtooyada ee uu u dagaalamaayo guddoomiye Cirro taasoo u muuqata in talooyinka intooda badani ay yihiin qaar ku salaysan sidii shaati lagu toli lahaa cirro ama biriij uu ku gudbo loo samayn lahaa doorashada waxaana muuqata in guddoomiye Cirro, oo isagu dagaal adag u soo galay sidii uu u noqon lahaa guddoomiyaha golaha shacbiga ka dibna ku guulaystay inuu gudiyada isku shaandheeyo maantana u rabo in lagu soo celiyo jidkaa hore ee uu jeexay.
Ugu danbayntii waxaan u sheegayaa madaxda xisbgia Waddani ee ka hadlaysa wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan inuu yahay muwaadin wax badan u qabtay dalka iyo dadka, u shaqeeya saacado tiro badan oo uu qabto hawlo badan oo muhiim ah oo ay ka mid tahay xidhiidhka uu la soo sameeyay dhaxal sugaha boqortooyada sucuudi arabia amiir abdurahman binu abdulaziz, talaabadaasi waa mid wax u taraysa somaliland una dhiganta aqoonsi dadban markaa.

Xasan Suudi Xirsi
Siyaasi madaxbanaan
Bashkail30@hotmail.com
Himilomedia.com
Hargesa-Somaliland

No comments:

Post a Comment