Wednesday, September 17, 2014

Qoys Gurigooda Ku Xidhay 18-Kamaradood Oo Ciyaalka Ay Ku Ilaaliyaan

Waalidku sida dhabta ah had iyo jeer wuu ka werweraa xaaladaha ubadkooda, waxaana u caado ah inay mar walba ilaaliyaan, oo ay jecel yihiin inay meel kasta iyo wakhti kasta la socdaan dhaq dhaqaaqooda iyo xaaladooda ammaan. Inkastoo arin Rabaani ah ay tahay oo naxariis Alle u galiyay ubadka labada waalid, haddana waxa jirta in mar kasta oo cabsi caruurta la xidhiidhaa soo korodho waxa baqdinta iyo werwerku ku sii siyaadaa Hooyada iyo aabaha. Sida aynu ka dheehan karno qoys u dhashay dalka Jarmalka oo cabsi ay ka qabaan in ubadkooda laga af-duubo darteed gurigooda ku xidhay kamaradaha gaadhka oo dhawr iyo toban xabadood ah. Sida uu barnaamijka arrimaha layaabka leh ee nolosha qoyska uu ku baahiyay telefishan ku yaala dalka Jarmalku qoys ku nool magaaladda Berlin ayaa si ay ula socdaan xaalada gabadh ay dhaleen gurigooda 18-kamaradood kuwaas oo ku rakiban qolka ciyaalka, qolka cuntada, ka hurdada iyo albaabada laga soo galo, daarada iyo meelo badan oo guriga ka mid ah, taas oo ay ku kaliftay cabsi ay ka qabaan in gabadhooda Michelle 17-jir ah la af-duubo. Xaaladan ayaa qoyskan la soo daristay ka dib markii laba todobaad ka hor la af-duubay wiil dariskooda ah, cabsi balaadhani hadhaysay xaafadda qoyskani ku nool yahay. Gabadhan 17-jirka ah oo waraysi siisay jariirada ugu wayn dalkaas ee Bild ayaa ku tilmaantay culays iyo gaadh joogto ah oo dusha laga saaray waxay sheegtay in xitaa marka ay guriga ka baxdo, dhaq dhaqaaqeeda lagula socdo nidaamka GPS-ka ee lagu ogaado shayga lagu xidhaa halka uu ku sugan yahay iyo dhaq dhaqaaqiisa. Aabaha dhalay gabadhan yar oo Injineer qalabka elegtarooniga ah ayaa sheegay in talaabadan uu qaaday tahay jacayl uu inantiisa u qabo, sharci ahaana uu kala tashaday Qareenkiisa sharci oo u sheegay inay banaan tahay waxa uu sameeyay sharci ahaan. Gabadhan gaadhka 18-ka kamaradood iyo GPS-ka la dul dhigay ayaa sheegtay in Hooyo iyo aabe kastaa jecel yahay nolosha ilmihiisa wax kasta oo awoodana uu u sameeyo si nabad qabkiisa uu uga war hayo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment