Daraasad Cusub oo dhawaan laga soo saaray dalka Maraykanka ayaa cadaysay in wakhtiga hurdada ee ugu caafimaadka badan aadamuhu yahay 7-sacaadood oo qofku seexdo maalintii iyo habeenkii. Khubaro caafimaad oo dhawaan sameeyay baadhitaaan caafimaad ayaa tilmaamay halista caafimaad ee qofku la kulmi karo hadii wakhtigiisa hurdadu ka yaraado, todoba saacadood ama ka bato. Sida daraasad laga soo saaray Kuliyada Caafimaadka ee jaamacada Vergenia lagu cadeeyay waxa baadhitaan lagu sameeyay dad kala duwan oo mutadaciin ah lagu ogaaday dhibta ay qofka u leedahay hurdadiisa oo ka yaraata todoba saacadood, taas oo dadka da'diisu ka yar tahay 60-jir ku keeni karta xanuunada wadnaha iyo dhiig furanka maskaxda ku dhaca. Sida wakaaladaha wararka ee Dunidu baahiyeeen, waxa halista caafimaad ee qofku la kulmayo marka hurdadiisu ku yaraato todoba saacadood ka mid ah wadno istaag iyo dhiig furanka Maskaxda iyo laab jeex. waxa kale oo ka mid ah xanuunada neef mareenka. ugu danbayntii waxay daraasadani ku talinaysaa in qofku laasimo mudada hurdada ee caafimaadkiisu ku jiro oo ah todoba saacadood. Waxa hore u jiray daraasado wakhtiga hurdada ku xadidaya sideed saacadood.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment