Mudaharaadkan oo bilaabmay wax yarkadib salaadii jimcaha, ayaa waxa ay shacabku muujiyeen sida ay uga xun yihiin dilka sarkaalkaas iyo waliba sarkaal kale oo Hawlgeliyihii Guutadaas ahaa oo isna goobtaas ku dhintay.
Mudaharaadkan oo ahaa mid salmi ah, isla-markaana aan wax khasaare ahi ka dhalan, ayaa waxa uu xidhay waddooyinka waaweyn ee Magaalada Badhtankeeda mara, waxana istaagay isu socodkii gaadiidka Hargeys iyo Galbeedka dalka ukala gooshi jirey ee Halkaas mari jirey.Dadka mudaharaadayey, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay si degdeg ah gacanta ugu soo dhigto askarigii saraakiishaas laayey, waxana ay saluug ka muujiyeen sida gaabiska ah ee dawladdu arrintaas uga jawaabtay.
Askariga saraakiishan laayey, ayaa la sheegay inuu si dhib yar ugu gacan galay Kooxda Khaatumo oo joogta goob aan halkaas ka fogayn, waxana raacdo gaaban oo lagu sameeyey sheegtay inuu gudaha Buuhoodle ku sugan yahay.
Shacabkan ayaa ka cadhaysan sida sabab la’aanta ah ee saraakiishaas ciidanka ka tirsan loo laayey, waxana ugu dambayntii farriin xukuumadda ugu direen inay soo saarto jawaab dadka qancisa.
Dadkii mudaharaadayey, ayaa sida la sheegayo markii dambe iska kala dareeray, waxana haatan magaalada la geeyey ciidanka boolis ah oo xooggan, kuwaas lagu amray inay ammaanka ilaaliyaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment