Friday, September 19, 2014

Diyaaradaha Dagaalka Faransiiska Oo Duqayntii Ugu Horraysay Ku Qaaday Goobaha ay Haystaan Ururka Daacish

Paris:Sep,19,2014(Himilo)-Dalka Faransiiska ayaa noqday Dalkii ugu horeeyey eek amid ah Xulafada wadda Dagaalka ka dhanka ah Daacish ee diyaaradihiisu Weeraraan Kooxdaas marka laga reebo dalka Maraykanka oo muddo Bilo ah Duqaymahaas waday.

udqWeerarkan ayaa lagu qaaday waqooyi bari dalka Ciraaq, halkaasoo la duqeeyay badhtilmaameed kooxda Daacish ku lahaayeen, waxana uu khaas u ahaa Diyaaradaha dagaalka waddanka Faransiiska.

War laga soo saaray xafiiska Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa lagu sheegay duqeynta xaga cirka ah sii socon doonto maalmaha soo socda.

“Saaka subaxdii 9:40 diyaaradaheena Rafale ayaa qaaday weerarkii u horeeyay ee cirka ah badhtilmaameedka kooxda Argagixisada Daacish ku laheyd waqooyi Bari Ciraaq, waxaa bur burinay goobo ay dhigtaan saanada”ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Faransiiska

Mareykanka ayaa ilaa 170 weerar cirka ah ku qaaday Kooxda Daacish tan iyo badhtamihii bishii Augost, waxana uu kooxdaas gaadhsiiyey khasaare tiro badan.

Kooxda Daacish ayaa ka talisa magaalooyin badan oo ku yaala Suuriya iyo Ciraaq, halkaasoo ay kaga dhawaaqeen Khilaafo Islaami ah.

Faransiiska ayaa Isniintii marti gelinayay shir caalami ah oo looga hadlayay khatarta ISIS, iyadoo ilaa 26 dowladood ay balan qaadeen inay ka qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah kooxdaas Khilaafada Islaamka la baxday.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhowaan ku dhawaaqay istiraatiijiyad cusub oo lagula dagaalamayo Kooxda ISIS, isla markaana uu hogaaminayo isbaheysi la dagaalama kooxdaas.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment