Wednesday, September 17, 2014

Saygeeda Ayay Ku Qasabtay Inuu Ku Labbisto Dhar sawirkeeda iyo qoraal Jacaylkeeda muujinayaa ku yaallaan Baqasho Ay Ka Qabto Haweenka Kale Awgeed!

Gabadh u dhalatay dalka ingiriiska ayaa saygeeda ama ninkeeda waxay ku qasabtay inuu ku labisto dhar ay ku xardhan yihiin qoraalo muujinaya jacaylka uu u qabo, waxaanay iyadu iskeed usoo qortay oo ay soo diyaarisay qoraal ka kooban erayo cabiraya jacaylka uu u qabo iyo inuu ku wargaliyo bulshada si haweenka kale ay u akhristaan damacna aanu uga galin.
Sida ay qortay jariirada daily mail haweenaydan oo lagu magacaabo Bartlett oo 20 jir ah ayaa waxay maryaha ninkeeda ku xaradhay qoraal kooban oo ay ku tidhi ’’waxaan jecelahay xaaskayga Bartlett, haweeenka kale oo dhana waan necebahay, sidaas awgeed fadlan iga dheeroow’’ waxaana erayadan lagu qoray maryaha uu xidhan yahay ninka gabadh qaba.
Arrintan ayaa waxay ka dhacday deegaan xeeb ah oo dalxiiska loo tago oo ku yaala jasiirada Aabza ee dalka spain xilli labada lamaane ay halkaas dalxiis u tageen, waxaana Bartlett oo arrintan ka hadashay ay sheegtay inay uga dan leedahay inay muujiso heerka uu ka gaadhsiisan yahay jacaylka ay xaaskeeda u qabto iyo sidoo kale inay ka hortagto in haweenka tiro badan ee iskugu imanaya jasiirada ay dalxiis u tageen aanay isku dayin inay haasawe ama hadal la yeeshaan saygeeda sidaas awgeedna ay u doorbiday in qoraal ka turjumaya arrintaas ay kusoo xaradho maryaha uu ku labisanayo muddada ay joogan jasiirada.
Ka sokow qoraalka ku qoran maryaha ninkan ayaa waxa sidoo kale ku yaala sawirka xaaskiisa waxaana sawirada ku yaala maryaha uu ku labisanayo muujinayaan gabadhan dhacdadan samaysay iyo ninkeeda oo ku wada sawiran maryahan iyadoo qoraalna uu weheliyo waxaana taasi ay markaba u muujinaysa haweenka arka inay rumaystaan qoraalka ku qoran maryaha marka lagu dabaqo sawirada, Bartlett ayaa waxay beenisay in arrinta aanay ka ahayn kalsooni daro iyo shaki ay saygeeda ka qabto waxase ay sheegtay in iyadu ay aaminsan tahay in ninkeedu uu yahay mid qurux ahaan soo jiidan kara haween badan sidaas awgeedna ay jeclaysanayso inay ka ilaaliso haween kale, waxaana Bartlett iyo Lyon Knoloa ay xaas isku ahaayeen muddo 5 sano ah waxaanay leeyihiin gabadh yar oo muddo laba sano ah jirta.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment