Wednesday, September 17, 2014

Maxaad Ka Taqaana Arrimaha Uu Ninku Ku Qiimeeyo in Gabadha uu Sheekada la wadaagaa Noqon Karto mid Guurkiisa U Qalanta

Waxa jira sifooyin iyo qaabab badan oo raga iyo dumarkuba ay gaar u leeyihiin oo ay ku dabaqaan noloshooda gaar ahaan marka laga hadlayo xilliyada guurka, waxa sidoo kale jira sifooyin guud oo raga ka siman yihiin iyada oo sidoo kale ay jiraan sifooyin guud oo haweeenku wadaagaan, hadaba xubinteenan waxaynu ku eegi doona sifooyin dhawr ah oo laga yaabo inay ragu intooda badan ay ka siman yihiin marka laga eego dhanka ay go’aan ka qaadanayaan arrimaha la xidhiidha mustaqbalka guurka, waana kuwan qaar ka mida ficilo ninku uu ka shidaal qaato oo keeni kara haddii haweenayda uu la sheekaysanayo uu ka arko inuu ka baaqsado guur uu la sameeyo gabadhan waxaana ka mid ah.
1.Haweenayda aan u ogolaan inuu wakhti badan la qaato asxaabtiisa iyo qaraabada:
Waxa ragu intiisa badan uu ka siman yahay inuu dareen adag ka qaato haddii diidmo ama culays ogolaansho la’aan ah uu kaga imaado haweenayda ay wada socdaan oo u diida inuu wakhti la qaato asxaabtiisa u gaarka ah iyo qaraabadiisa qaarkood, waxaana haddii ninku uu ka arko gabadha inay ka hor-istaagayso inuu asxaabtiisa wakhti la qaato waxa suurtagal ah inuu ka fogaado xidhiidhka uu la wado haweenayda caynkaasi ah.
2.Haweenayda aan ka gacan siinin arrimaha culayska leh ee go’aankoodu ku adkaado ninka:
Waxa inta badan ragu ka sinaan kara in haddii ay dareemaan in haweenayda ay wada socdaan ee xidhiidh gaar ahi ka dhaxeeyo aanay marnaba u muujinayn wax caawimo ah oo ay kala qayb qaadanayso go’aanada iyo arrimaha culayska leh ee lasoo darsa ninka ama aanay ka caawin inuu go’aan ka gaadho hawl markaasi jirta inuu u arko qof aan ku haboonayn inuu noloshiisa la wadaago, maadaama uu ka arkay inay weheliso oo kaliya xilliyada ay farxada iyo arrimaha wanaagsan jiraan.
3.Haweenayda oo noqota mid aan ujeedo muuqata ka lahayn mustaqbalka nolosha:
Waxa jirta in rag badan ay ka siman yihiin doorashada haweenka inay ka eegaan fikirka ay ka qabto mustaqbalka nolosheeda iyo hiigsiga ay damacsan tahay inay nolosha ka gaadho, waxaana ay ragu u badan yihiin inay helaan noloshana la qaybsadaan haweenay ay u arkayaan inay heer sare ka hiigsanayso nolosha taas oo yididiilo iyo faan weyn ay galiso ninka isaga oo u arkaya inuu noloshiisa uu la qaybsanayo qof horumar nolosha inuu ka gaadho damacsan, sidaas awgeedna ay suurtagal u tahay in isaga laftiisa ay ka caawiso inuu horumar ka samayn karo noloshiisa
La soco…..
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment