Wakhtigu waa xilli saqdhexe ah oo ku beegan 11:00pm. Dadka intiisa badan way hurdaan inyar oo saamalaylka la qabsatay maahane. Hurdada wax iga jiidhay mooyaane, waan is rogrogaaya oo ku galgalanaaya sariirta dusheeda. In dhahaan isku qabtaa oo nin hurdaan iska dhigaa, waan is gammaariyaa oo khuuro yarna iska keenna mise geerba ima galo. Buug baan soo qaada oo kolba badh akhriyaa bal inay in uun hurdo i timaado se adaa sheegaayaba. Galgelimaysigaygii wuxuu illa gaadhay 1:00am in aan hurdo helo.
Dhagehayga waxaa ku soo dhacaayay cod dumar oo aan u malaynaayo inay dhibaataysnayd. Dhag jalaq uma siiye waan isa sii gammaariyaa. Mar waxaan is idhaa maxaa helay tolow ma qaarbaa xoogi raba? Ma la dilaaya oo aabbaheed baa ul la dhacaaya mise hooyadeed? Ma walaalkeed baa dilaaya gabadha mise odaygeedi? Annigoo is weydiinaaya uun baa mar keliya dhulka wax iga fujiyay mooyaane aan kor u booday.
Xilliga ay tahay iyo dadka dibada taagan ayaa isku kay qaban waayay. Ma aroorbaa ma duhur baa? Ma casar baa ma makhrib baa?. Inyar inyar sidaan u sii siqaayay ayaan daf idhi meel sida goobada u sammaysan oo dad ku uruursan yihiin. Aal oo gabadha maxaa helay? Waa maxay dhiigu? Aax, nabar weyn baa wajiga kaga yaal. Anoo naxdin hadlaaya uun baan kor u idhi ‘’Waar maad gabadha dhakhtar geysaan way dhiig bixi doontaaye’’?
Wiil aannu asxaab nahay oo isaguna qaylada iyo buuqa ku soo toosay ayaa gaadhi soo kaxeeyay. Farmasiiga xaafada ayaan ku garaacnay oo naga furay. Wuu naxay…uuh! Markuu arkay dhiiga gabadha ka da’aaya iyo maryaheeda jeexjeexan. Wuxuu nagula soo booday “Gabadha maad kufsanayseen? Balaayo ku kufsataye gabadha dawee. Dhaymo iyo dhiig joojin kadib, waxaan u qaadnay oo ku celinay gurigeedii.
Ninka inanta nabarradaas u geystay ma sidaasaynu kaga hadhnaa? Aar bi’i waaye inna kaxee ninka uga soo aarno ama xidhnee. Haye saaxiib ee innoo gee. Ka daaya ha dilina hana xidhinee! Yaa, ma ninka sidaas kuu galay? Haa,waa ninkaygii oo Mirqaanka nagu diray. Bal adba.
Salmi waa da’da 28 jirka, waa gabadh dugsi dhexe dhammaysay oo waxbarashada halkaas kaga hadhay. Waxay nasiib isku heleen oo calafku isku daray Subeer oo ah wiil dhallinyaro da’da soddomeeyada. Waa wiil yaraan ku bilaabay qaadka iyo balwada. Inskastuu awalkii hore laasimay imika wuxuu ku soo koobay maalmaha khamiista iyo jimcaha. Salmi aad bay uga caawisa innuu iska joojiyo oo iyada iyo laba carruur ah oo ay dhaleen dhibaato weyn ayay ku qabaan labadaas maalmood ee uu cunno.
Dadkii markii ay kala tagi waayeen ayaan ku nidhi annakaa la joogayna oo reerka illaalinayna ee ha layska kala tago. Oday ka mida odayaasha xaafada ayaa nagu taageeray go’aankayagii oo yidhi ’’ Labadaas wiil baa ka war haynaaya reerka ee ha layska kala seexdo’’.
Mirqaanku, habeenno badan ayuu qoysas badan ka jiidhay hurdadii oo buuq geliyay. Habeeno badan raggii ayuu dumarkoodii ku diray. Farxadii carruur iyo aabbahood dhex taalayna kala dhantaalay. Habeeno badan marwooyin asturan oo aan guryahooda ka soo bixin ayuu ka soo saaray. Habeeno badan gabadh aan jeclayn in dadku dhibkeeda iyo ka gurigeeda arkaan ayuu tusay oo dadweynaha iskugu wada yeedhay.
Hurdadii igu yarayd iyo soo jeedkan kale ee iigu biiray waxay i geliyeen fikir ka duwan kii hore. Horta malaha Soomaalida looguma talo gelinba inay balwad yeeshaan. Waayo? Dee habeenkay qayilaan waa kuwa sidan noqonaaya ee hawada isla maraaya maaha. Kooda mirqaama waxaa lagu diraa xaaska iyo carruurta kooda khamriga cabana dadweynaha oo dhan baa lagu diraa oo intuu dibada u soo baxo ayuun buu is moodayaa amiir laga wada baqo. Cay, aflagaado iyo xumaan walba oo loo gaysto ummadda iyo Illaahi abuuray uun bay ku mashquulan markay mirqaaman ama khamri cabbaan. Subxaanallaah!
Haa, Soomaalida looguma talo gelin in ay balwad yeeshaan. Sidaasan aaminay oo naftayda ka dhaadhiciyay illaa imikana iga dhaadhacsan. Waxaa baryay waagi annoo weli isla shawrsan. Walaal maxaa idin helay? Waxaa nagu tidhi Salma. ‘’ Waxba ee ma fiican tahay’’ say noogu hal celisay ‘’Haa waan fiican nahay ee ma sidii xalay baad u soo jeedeen’’ saan ugu hal celinay ‘’ Haa, waa caadi dhibaato ma jirto walaal’’ Waxay furtay qolkii uu ku jiray Subeer. Aragtay inuu isla maqan yahay oo hurdo gawda ku hayo.
Mar hadduu seexdo waa caadi oo sidaa markuu u soo tooso ayuu madaxa iyo mijahaba i qaadi doonaa oo i raalli gelin doonaa ee iska nabad taga, waannad mahadsantihiin. Ma hubtaa walaal oo maad ka ammaan helaysaan hadduu soo tooso? Haa, waa caadi walaal, hadduuba seexdo wax dhibaato ah ma sammaynaayo. Lakiin, dhibaato weyn ayaad qabtaa oo nabar halisa wajiga kaaga yaala waa in lagaa war hayaa? May, waxanni wax weyn maaha, labada cisho ee uu qayilo way iska dhacdaa oo dabeecadiisa sidan ah. Hore may u dhici jirtay sidan oo kale?
Inta badan way dhacdaa, toddobaadka aanu cunin jaadka mooyane. Markaa uu mirqaamo ee uu soo dhammaysto ayuun buu guriga imanaaya, albaabka ma ka furay, hidh uun buu iigu boodayaa…dhish. Carruurtuun buu laag la gelaaya…dhug… oo uu ugu sii daraaya dhirbaaxo…dhac. Qolkaannu hoosta ka xidhanaa…qurdhum. Wuu nagu garaaca illaa aan ku siggano inuu jabo ama waaguba baryo…wallalac.
Markaan u imaado ee aan is idhaa intuu carruurta dili lahaa adiga ha ku dilo oo ha kugu mashquulo ayuun buu feedh iyo jiqil iskugu kay daraa. Xanuunka markaan dareemo waan adkaystaa illaa uu xoog i dilo oo aan qayliyo kadibna ay jaarku igu soo baxaan. Dhibaato weyn baan ku qabaa, dadka ma dhex geli karo oo dumarku aroortii annakay nagu sheekaystaan. Markaan u sheego een ku idhaa dhib baad innoo soo jiiday iyo ceeb ee maanad reerkaaga ka fikirayn wuxuu balan iyo dhaar gaw kaga siiya inaanu dib u cunayn jaad danbe.
Isma oga illeene, toddobaadka danbe ayuun buu haddana halkiisi ka sii miisa. Dhawr jeer bay dadku igula taliyeen xidh ama i fur ku dheh. Ma waxaan noqdaa naagtii ninkeeda xidhay? May…may…may, xaasha lillaahi taasi dhici mayso. Waan u adkaysanaaya inkastooy reerkaayagu igu naceen oo ay marwalba yidhaahdaan iskaga kaalay ama ha lagaaga jaro intuu kugu dhuftab’e. Taasina waa ceeb kale. Bal eega, imika waxaan ahay gabadh la qabo se hadhaw waxaan noqonaaya gabadh aan la qabin oo carmal ah. Carruurtaydu way sharfan yihiin hadhaw se way sharaf beelaayan oo waa kuwii hooyadood iyo aabbahood kala tageen. Markaa, wax weyn maaha ee mirqaanka ayuun baa nagu yara dira ee Waan sharfanahay intaan halkan joogo waannan ku noolaanaaya sharaftaas dhibka aan doono aan ku qabe. Idinkuna iska hurdo taga xalay oo dhan baad soo jeedeene.
Jaadku, dakhli burburka uu ku keenay nolosha qoysaska Soomaaliyeed ka sakow, wuxuu abuuray kala daadsanaan iyo is maan dhaaf aan kala joogsi lahayn oo yaala guryaha iyo qoysaska Soomaaliyeed dhexdooda. Hadh iyo habeen waa u dagaal iyo buuq. Waa u dilmo iyo dibin daabyo. Dumarku way samraayan oo sidaas ayay doorbideen intay guryahooda dumin lahaayeen. Waxay isku dayaayan inay ragga dhibku hayo badbaadiyaan oo nolosha caadiga ah ku soo celiyaan. Waa suurto gal in uu guulaysto isku dayga haweenku. Ha ahaate, garabkii inna rag ayaa loo baahan yahay si xal waara loo gaadho. In la joojiyo haba danbayse in basar loo cunno ayaa ka horraysa!
Mukhtaar Cabdi Sheekh “Bulshaawi”
Email: samoreeb@hotmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment