Wasiirka duulista iyo madaarrada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi waxaan leeyahay saaxiib maan jeclayn inuu kaa soo fakadao hanaanka runta ah ee adiga iyo hogaanka xukuumada u qarsoon inaad talo iyo tilmaam uga dhigto musharaxa madaxweynenimo ee Jamaal Cali Xuseen oo ah aqoon yahan shaadhkiisu nadiif ka yahay qabiil u dirir iyo qaraabo kiil.
Mudane wasiir wax kale ayaad ka gubataye hadalka musharaxa madaxweyne aqoonyahan Jamaal waxa uu ka hadlay tabashada shacabka degan nawaaxiga madaarka Hargeysa oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay warbaahinta dalku ka warbixinaysay cabashadooda, cabashadaasina inay jirto waxa ka hadlay Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo madaxweynaha ugu baaqay inuu booqdo eeriyada madaarka Hargeysa six al looga gaadho tabashadaas.
Mudane Wasiir, madaarka Hargeysa iyo goob kasta oo adeeg dadweyne ka shaqaynaysa haddii ay cabasho ka sheegtaan shacabku, waa mawduuc u furan inay ka hadlaan mucaarid iyo muxaafidba, balse waxa nusqaan iyo kalsooni-darro ah inaad tidhaahdo sidee wax la iiga sheegaa iyo Dr Gaboose waa ruug-caddaa kelmada uu yidhi awgeed iyo Musharax Jamaal Cali-na wuxuu u baahan yahay talo iyo tababar.
Runtii Jamaal Cali, Siilaanyo iyo dhamaanteenba waxaynu u baahanahay waayaha qaranimada Somaliland iyo horumarkeeda sidii looga gudbi lahaa cudurka qabyaalada iyo qaraabo-kiilka.
Sidaa daraadeed, marka dareenka shacabka Somaliland afartii sanadood ee u dambeeyay la qiimeeyo waxay xukuumadan Siilaanyo soo noolaysay hadal haynta qabyaalada, markaa saaxiib Maxamuud Xaashoow adna waad is ogtahay xilka ummada aad u hayso ee ka dhexeeya sidaad ugu cadaalad fashay, balse waxa xaqiiq ah in masuul kasta oo ku takri falay shilinka yar ee dakhliga qarankan inaanu mahadin doonin.
Waxaan qofna indhaha caad ka saarnayn in waxqabadka iyo dhismaha Somaliland uu soo socday saddex iyo laabatan sannadood imikana sii socon doona adiguna wasiir ahaan waxaad qabatay iyo xukuumadu waxay qabatayba waxay kamid yihiin dib u dhac iyo horumar waxaad keentaanba wixii laydiin doortay, balse ogow madaxweynihii xilka u tiriyay Siilaanyo ee Daahir rayaale haddii aad taariikhdiisa dib u raacdo lama hayn mucaaridkii berigaa oo ku sheegaya qaraabo kiil iyo qabyaalad, laakiin tan aad ka mid tahay todobaadkii hore ayuu guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal cali Waraabe uu ku eedeenaayay qabyaalad iyo qaraabo kiilnimo.
WABILAAHI TAWFIIQ
Qalinkii: Mawliid Aadan Cumar
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment