Friday, September 5, 2014

Sucuudiga Oo Ku Hawllan Qorshe Qabriga Nebiga(NNKHA) Lagaga Rarayo Goobta Uu Haatan Yahay

Riyaad:Sep,05,2014(Himilo)-Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal haysa Qorshe Dawladda Sucuudigu ku soonayso inay qabriga Nabiga Kaga rarto Goobta uu Haatan yahay.

sirriWargeysyada The Independent iyo Daily Mail oo warbixintan qoray 01-dii September ayaa soo xigtay daraasad 61 bog ka kooban oo wada-tashi ku jirta, taasoo uu qoray aqoonyahan la shaqeeya dowladda Sacudiga.

Sidoo kale, warbixintan ayaa lagu sheegay in qabriga Nebi Muxamed (NNKH) loo rarayo qabuuraha Al-baqi ee ku yaala magaalada Madiina Al-Munawara, waxaase tani ay dhalisay buuq iyo muran weyn.

Qabriga Nebi Muxamed ayaa ku yaalla gudaha masjidkii ugu horreeyay ee uu ka dhisay magaalada Madiina, kaasoo hadda ah meeesha labaad ee ugu barakada badan ee ay booqdaan muslimiinta marka laga reebo Kabcada oo ku taalla magaalada Makka Al-Mukaramah.

Sheekh Maxamed Ileeye oo ka mid ah culummada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ahna imaamka masjidka Al-Nuur oo ku yaala magaalada Settale ee gobolka Washington ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid aan laba aqbali karin.

Imaamku oo la weydiiyay in tani ay tahay markii ugu horreysay oo arrintan lasoo qaado, ayaa sheegay inaanay ahayn markii ugu horreysay, balse ay tahay markii shanaad, balse lagu guuleysan waayay.

Muslimiin badan oo caalamka ku nool ayay arrintan ka cadheysiisay iyadoo madaxda Sucuudiga oo ka hadlay ay sheegeen inaanay weli go’aan arrintan ku gaadhin, balse ay tahay warbixin la iska daabacay oo aan dhab ahayn.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment