Friday, September 5, 2014

Dawladda Federal-ka Oo Sheegtay inay Saacado Gudahood ku Soo saari doonto War Sugan Oo Nolosha Ama Geerida Axmed Godane la Xidhiidha

Muqdisho:Sep,05,2014(Himilo)-Dawladda Federalka Somalia ayaa sheegtay inay gebo gebo ku dhawdahay warbixin sugan oo ay shakiga kaga saarayso wararka is khilaafsan ee kasoo baxay Nolosha Hoggaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

goodaxeHadal heynta ku saabsan weerarkaas ayaa ahaa mid aad u sii xoogeysanayay, iyadoo wali aan kala cadeyn in la dilay Hogaamiyaha Al-Shabaab iyo in kale, hase ahaatee wararkan ka soo baxayay weerarkan ayaa ahaa kuwo is khilaafsanaa oo marba marka ka dambeeya is burinayay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo la hadlayay raadiyaha afka dowladda ku hadla ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay shacabka Soomaaliyeed maqli doonaan war ay ku farxaan sida uu sheegay, kaas oo loo fasirtay inay xukuumaddu soo waddo war la xidhiidha Geerida Hoggaamiyahaas.

“Waxaan rabaa inaan ku soo koobo in saacadaha soo socda wax ka yar 24-saac in xukuumada war ku aadan geerida iyo nolosha hogaamiyaha Shabaab aan soo saarno, shacabka soomaaliyeed iyo aduunyada nabada jecel waxay maqli doonaan war ay ku farxaan”ayuu yidhi Wasiir Goodax.

Mar la weydiiyay kaalinta ay dowladda ku laheyd weerarkii ka dhacay nawaaxiga deegaanka Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayuu tilmaamay in kaalin weyn ay ku lahaayeen weerarkaas, isla markaana la geliyo shaqo adag sidii xog ku aadan hogaamiyaha Shabaab lagu heli lahaa.

Wakaaladaha wararka ee caalamiga ayaa siyaabo kala duwan uga hadlayay weerarkan uu sheegtay Mareykanka inuu ku qaaday Hogaamiyaha Shabaab.

Afhayeen u hadlay Pentagonga Mareykanka oo lagu magacaabo John Kirby ayaa xaqiijiyay in weerarkaas ay ku badhtilmaameedsadeen Hogaamiyaha Shabaab, waxaana uu xusay inay wadaan xog uruurin ku aadan qasaaraha weerarkaas iyo hadii uu ku dhintay iyo hadii kale.

Sarkaal Mareykan ah oo la hadlay Telefishinka CNN oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in 80% ay ku kalsoon yihiin inuu geeriyooday Hogaamiyaha Al-Shabaab.

Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaano C/raxmaan Abuu Zubeyr oo 37 jir ah ayaa ahaa Hogaamiyaha Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2008-dii, waxaana la sheegaa inuu ku soo tababartay dalka Afganistan.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment