Sunday, September 14, 2014

Tirada Dad ugu dhintay iyo Qaar looga Gurmaday Cudurka Shuban-biyood oo Burco ka dillaacay iyo Wasaaradda Caafimaadka oo sheegtay inaanay Waxba ka ogeyn

Qaylo-dhaanta maamulka gobolka iyo Xog-la’aanta Wasiirka

Hargeysa/Burco, 14 Sept, 2014 (Himilo)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan iyo Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Dr Cabdi Yaasiin, ayaa siyaabo is-khilaafsan uga hadlay Cudurka shuban-biyoodka oo ka dillaacay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Laba Qof ayaa magaalada Burco ee Xarunta gobolka ugu dhintay cudurka Shuban-biyoodka oo ka dilayaacay magaaladaas, halka dad kale oo dhowr iyo toban gaadhayana cusbitaalka guud ee magaalada lagaga daweeyey xannuunkaas.
sawirkaIsu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr Cabdi Yaasiin, ayaa wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ay wada-shaqaynta leeyihiin ugu baaqay gurmad deg-deg ah oo lagula tacaalo cudurka Shuban-biyoodka oo ka dillaacay xaafadda Madiina oo ku taala Hawdka magaalada Burco, halkaas oo ay laba qof ugu dhinteen halka tobannaan kalena xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka magaalada Burco.
“Xaafadda ku taala Hawdka magaalada ee Madiina waxa ka dillaacay shuban-biyood waxa uu dilay laba qof, dad waxoogaa ah ayaa laga daweeyey oo cisbitaalkaa la keenay, shalay (Dorraad) oo u dambeysay dhowr tiimbaa galay oo aanu u dirnay. Waxay soo sheegeen inay daweeyeen dhowr iyo toban qof oo shubmaya in kasta oo wxaaladdoodu khatar tahay aanay soo arag marka laga yimaaddo gabadh uur-leh oo cusbitaalka la keenay. Markaa xaafadda oo aad mooddo inay xaaladdeeda caafimaad cusntahay, ayaa jirta,” ayuu yidhi Isu-duwaha Caafimaadka ee gobolka Togdheer.
Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Togdheer, waxa kale oo uu sheegay in deegaanka Coodanle oo ka tirsan degmada Qurulugud ee gobolka Buuhoodle uu ka dillaacay Cudurka Jadeecadaha oo dad badan soo ritay, isla markaana ay deegaankaas u diray kooxo ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo taageero ka helaysa ururka Bisha Cas.
“Xannuunnaa ka dillaacay Jadeecadu ka mid tahay iyo darxumooyin kale oo nafaqo-darradu ka mid tahay, markaa immika waxay Qayla-dhaantu ka jirtaa degmada Qorulugud gaar ahaan deegaanka Coodanle la yidhaahdo oo baryahanba ay ka jirto Jadeecdo,” ayuu yidhi Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Togdheer, waxaanu sheegay inay ka hawl-galeen sidii ay shaqaale iyo agab caafimaad oo xannuunkaas xakameeya ugu diri lahaayeen deegaankaas oo uu sheegay inay xil iska saareen wax-ka-qabashadiisa dhinaca caafimaadka maadaama maamul ahaan uu deegaanka Coodanle hoos-tago gobolka Buuhoodle.
NIMCO-XUSEN-QAWDHANHaseyeeshee, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo xalay Wargeyska Himilo khadka telefonka wax ka weydiiyey sidii ay ugu hawl-galeen wax ka-qabashada Cudurka Shuban-biyoodka ee maamulka caafimaadka gobolka Togdheer Qaylo-dhaanta ka muujiyey, ayaa sheegtay in aanay haba-yaraatee wax war ah ka haynin Shuban-biyood ka dillaacay magaalada Burco, haseyeeshee waxa ay sheegtay in wasaaraddu todobaadkan u gurmatay dhowr qof oo xannuunka shuban-biyoodku ku haleelay deegaan ka tirsan degmada Sallaxley ee gobolka Maroodijeex.
“Kiiskaas ma hayno. Meel uu shuban-biyood ka dillaacay dalka waxaanu ka warhaynaa Sallaxley oo toban qof uu soo ritay xannuunkani, maalintii Khamiista ayaanu u dirnay tiim soo daweeya,” ayey tidhi Marwo Nimco Xuseen Qawdhan.
Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment