
Wargeyska Le Point oo todobaad walba kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa qoray xog uu kasoo xigtay Madaxweynaha Faransa Francois Hollande oo sheegaysa in xukuumadiisu ay door weyn ka ciyaartay shirqoolkii Axmed Godane lagu dilay.
M/weyne Hollande waxaa uu sheegay in sirdoonka dalkiisa uu qeyb ahaan wax ka heshay xogta sheegaysay goobaha laga heli karo hogaamiyihii Al-Shabab Axmed Cabdi Godane oo Shababku ugu yeedhi jireen C/raxmaan Abuu Zubeyr.
“Axmed Godane waxaa uu sabab u ahaa afduub Soomaaliya loogu geystay muwaadiniin Faransiis ah oo qaarkood la dilay marka annaguna dawlada Maraykanka ayaanu ku caawinay in la dilo” sidaas waxaa lagu qoray wargeyska Le Point oo soo xiganaya hadalka Madaxweynaha Faransiiska.
Faransiisku waxaa uu ku fashilmay howlgal gaar ahaa oo ciidamadiisu ka sameeyeen magaalada Buulo-Mareer ee G/Sh.hoose bishii January ee sanadkii hore kaas oo ujeedkiisu ahaa inay ku furtaan sargaal Faransiis ah oo Muqdisho laga qafaashay sanadkii 2009 walow Al-Shabab ay sheegteen inay mar dambe sargaalkaasi dileen.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment