Sunday, September 14, 2014

Wasiirka Maaliyadda oo Faahfaahin ka bixiyey Miisaaniyaddii ugu badnayd ee Somaliland yeelato oo Wakiillada loo gudbiyey

Hargeysa, 14 Sept, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasis Maxamed Samaale, ayaa faahfaahin ka bixiyey Oddoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015-ka oo ah Miisaaniyaddii ugu badnayd ee ay Somaliland yeelato intay jirtay, taasoo shalay loo gudbiyey Golaha Wakiillada, ka dib markii ay Khamiistii ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumaddu.
wasiir-samaaaaaWasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo shalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay inay dedaal dheer u galeen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen Xaddiga Miisaaniyadda sannadka soo socda ee 2015-ka oo ay ku jirto Lacagta diiwaangelinta Madaniga ah, diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ay Xukuumaddu ku kaabayso iyo lacagta qabashada doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyadu-ba. Waxaanu Wasiirku u mahad-celiyey Shacabka Cashuur-bixiyeyaasha ah oo uu xusay inay waddaniyad iyo xil-kasnimo muujiyeen.
“Miisaaniyadda 2015-ku waxay dhan tahay laba boqol, konton iyo hal Milyan, Saddex Boqol oo Kun oo Doollarka Maraykanka ah. (251300,000), Miisaaniyadda dawladda dhexe waa boqol iyo siddeetan Milyan oo Doollar ($180m), halka ta dawladaha hoose ka tahay 27 Milyan, Hay’addaha Madaxa-bannaanna 29 Milyan, Dakhliga naga soo galaya Deeqaha Caalamiga ahina uu dhan yahay 14 Milyan oo Doollar, isku darkooduna waxa weeye 251 Milyan iyo saddex boqol oo kun oo Doollar.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo sharraxayay xaddiga oddoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015-ka ee Somaliland yahay.
Wasiir Samaale oo sidoo kale sharraxaya meelaha Miisaaniyaddu ku kala baxaysaa waxa uu yidhi; “Mudnaanta 1-aad ee sannadkani waxa weeye Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada iyo Diwaangelinta. Waxa kale oo runtii mudan Nabadgelyada sida Saanadda iyo Qalabka Ciidammada, waxa kale oo jira Mashaariicda Waddooyinka, Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Dhismeyaal kala duwan oo Wasaaradaha ah.”
“Runtii Arsaaqadda Illaahay baa bixiya, marka Illaahay wax kula qabanayana wax walba wuu kuu fududeeyaa. Runtii sannad walba Miisaaniyaddu way korodhaa, sannadkan waxay Miisaaniyaddu ka badan tahay tii sannadkii hore boqolkiiba siddeed iyo toban, Illaahay wuu noo fududeeyay dadkuna si fiican bay u bixiyaan Cashuurta. Inta badan Dakhligaasi waxa uu naga soo gala Cashuuraha Barriga iyo Kastammada kala duwan, waannu u mahad-naqaynaa Ummadda Somaliland ee bixisa Cashuurta.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey meelaha uu Dakhligu ka soo galo iyo sida uu baxayo.
Miisaaniyaddan oo noqonaysa tii ugu badnayd ee ay dawladda Somaliland yeelato muddada 23-ka sannadood ah ee ay jirtay, ayaa la filayaa inay Maalmaha soo socda Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilladu Gole-weynaha u gudbin doonaan, isla markaana ay Mudanayaashu ka doodi doonaan, ka dib marka ay Wasiirka iyo Hawl-wadeennada Wasaaradda Maaliyaddu sharraxaad ka siiyaan Golaha qaabka Miisaaniyadda, iyaga oo dooddeeda ka dibna ansixin doona, iyagoo awood u leh inay wax ka beddel iyo kaabis ku samayn karaan oddoroska shaxda Miisaaniyadda.
Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment