Wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxa uu habeen hore casho-sharaf u sameeyey dufcaddii lixaad ee ka qalin-jabiysa Jaamacadda Admas, kuwaas oo isugu jiray 460 arday oo dhammaystay waxbarashada kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.
Munaasibaddan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay maamulka Jaamacada Admas, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland oo ay ka mid yihiin wasiirka Ciyaaraha, wasiirka madaxtooyada, Wasiir ku xigeenka Kalluumaysiga, Agaasimaha Wasaarada Ciyaaraha, Maayarka Berbera, Gudoomiyaha SONSAF, gudooyimaha SONYO, Madaxa Baratakoolka Madaxtooyada iyo marti-sharaf kale.Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada ADMAS Xuseen Cabdilaahi Maxamuud oo kalmada Furitaanka ee Munaasibada ku furay ayaa uga mahad Celiyey Madaxtooyada Somaliland siday Jaamacada Admas ugala qayb qaadatay qalin Jabinta Ardayda ADMAS waxaanu yidhi, “Runtii waxaan uga mahad celinayaa Madaxtooyada doorka shariifka ahayd ee qalin jabinteenii ka qaadatay, Illaahay ha u karaameeyo siday inoo karaameeyeen ee Xafladan inoogu xuseen inay ku soo gunaanadno qalin Jabintii aynu qabsanay inay tana inoo qabtaan mahadeeda iyo amaanteeda ayey leeyihiin, wasiirka madatooyada waan leeyahay halkaa ka sii wada oo marnaba ka kala hadhin taageerada aad dhalinyarta la barbartaagan tahay,” ayuu yidhi Xuseen
Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Cali Siciid Raygal oo ka mid ahaa Wasiirada ka soo qayb galay ayaa Khudkbad ka jeediyey Munaasibadaasi, waxaanu Wasaarada Madaxtooyada uga mahad naqay Cashada ay u samaysay Ardayda ka qalin Jabisay Jaamacada Admas, waxaanu arday ku booriyey inay ka soo baxaan Waajibaadka saaran
Waxa kale oo hadalo kooban ka jeediyey Munaasibadaasi Maayir Magaalada Boorama Saleebaan Xadi oo Sheegay inay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo dhalinyarta siisay fursad ay kaga qayb qaadan karaan hoggaanka dalka, waxaanu ku adkeeyey inay sameeyaan dedaal ay kaga soo baxaan waajibaadka saaran.
Dhinaca kale, waxa uu wasiirka madaxtooyadu xalay kulan casho-sharaf ah u sameeyey 790 arday oo ka qalin-jabisay 10 Kulliyadood oo ka tirsan jaamacadda GOLLIS ee Hargeysa, kuwaas oo noqonaya dufcaddii 10aad ee Waxbarashada ku dhammaysta jaamacaddaas.
Kulanka casho-sharafta ah ee Wasiir Xirsi xalay ku maamuusay Ardayda ka qalin-jabisay jaamacadda GOLLIS waxa ka qayb-galay Wasiirka Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda, Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Qaranka, Ardayda Qalin-jabisay iyo marti-sharaf kale.
Wasiirka Madaxtooyada oo madasha kulanka xalay hadal ka jeediyey, ayaa ku boorriyey ardayda inay aqoontooda uga faa’ideeyaan dalka isla makaana aanay halkaas ka hadhin waxbarashada inta ay gaadhayaan hadafkooda.
Waxa kale oo halkaas ka hadlay maamulka Jaamacadda iyo Ardayda oo wasiirka uga mahad-celiyey casho-sharafta uu ku maamuusay.
Munaasibadda xalay, ayaa noqonayna kulankii saddexaad ee Wasiirku ku qaabilo Arday ka qalin-jabisay Jaamacadaha muddo bil-gadaheed ah, waxaanu dabayaaqada bishii hore magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal munaasibad noocan ah ku qaabilay 621 arday oo ka qalin-jabiyey kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Camuud.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment