Hargeysa, 11 Sept, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Aminga Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel, ayaa Xukuumadda talada haysa u soo jeediyey in tallaabada Sharciga ah ee ku habboon laga qaado cid kasta ama Masuul ha ahaado ee u muuqda ama ku kaca kicin iyo abaabul iyo wax khilaaf lagu kala dhex-dhigayo qaubaha kala duwan ee Bulshada iyo Beelaha Somaliland.
Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga doorto gobolka Maroodi-jeex, kana mid ahaa Xildhibaannada Xisbigii Saaxadda ka baxay ee UDUB ugu jiray Golahaas, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay baaqyada iyo hadallada toddobaadyadan u dambeeyey ku soo noqnoqonayey Warbaahinta ee la xidhiidha in Beelaha dalka qaarkood Xukuumaddu ka qadisay Saamiga ay ku lahaayeen sida hadalka loo dhigay, balse la odhan karo Saamiga ay rabeen ama doonayeen.Waxaanu Xildhibaanku ku dooday inaan hadday qabiil tahay, hadday qof tahay, hadday cid gudaha joogta tahay ama dibedda iyo cid kasta oo u muuqata cadawga Somaliland inay tahay laga aqbali doonin wax Qarankan dhibta badan loo soo maray waxyeellayn kara ama bulshadiisa iyo nabadgelyadiisa kala fogayn kara.
“Guddiga Difaaca iyo Aminga Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland wey u furan tahey in ay u yeedhaan cid kasta oo Somaliland ku nool, in ay wax ka weydiiyaan waa qodob Dastoori ah. Arrimaha nabedgelyada wax maalin walba dhaca dil iyo dhibaato adduunkan Illaahay wuu u abuuray wax meel isku taagayana ma aha, waa wax maalin walba iman kara waddan walbana ka dhaca.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdiraxmaan Aw Cali Shabeel oo ka jawaabayey su’aal Weriye Hadhwanaagnews ka tirsani shalay ka weydiiyey arrimaha la xidhiidha nabadgelyada iyo difaaca dalku heerka uu marayo wakhtigan iyo in Guddigu u yeedhi karto Masuuliyiinta Hay’adaha Amniga u qaabbilsan Qaranka.
Md. Cabdikariim Aw Cali Shabeel, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Laakiin, sida ay Siyaasadda Xukuumadda iyo Golayaashuba ay tahey dedaalkooda la hayo ee lagu daalo had iyo goor in amniga sida ugu adag ee ugu itaalka badan ee caqliga saliimka ahi inna siinayo ee lagu sugi karo in lagu sugaa waa arrin taladeedu maalin walba taallo qaciidooyinka ugu waaweyn ee dawladdu ka duushana ay ka mid tahey balaayo immika Somaliland ka jirta oo lala qeyliyaana ma jirto. Laakiin, waxa weeyaan mar walba marka ay dhacdadani dhacdo waxa laga dhaxlaa waayo-aragnimo sidii looga hortagi lahaa, sidii loo maareyn lahaa, sidii wax loo qaban lahaa iyo ciddii geysatey dembiyadaba sidii loo daba-geli lahaa ee wax looga qaban lahaa.”
Xildhibaan Cabdikariin oo daba socday hadallo ka soo yeedhay Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee dalka, gaar ahaan Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga WADDAI Axmed Muumin Seed, waxa uu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan kelmad ka idhaahdo ama Xisbiga WADDANI Masuuliyiintiisa ha noqoto ama dadka kale ee borobagaandaha iyo durbaannada beenta ah ka tumaya waddanka gudihiisa iyo dibeddiisa-ba ha noqotee in aan dareensiiyo oo aan dul-dhigo sida ay ku yimaaddeen dalkan iyo Qarannimadiisu, geeddigii dheeraa ee lasoo marey Somaliland iyo Gooni-isu-taaggeeda, waxey aheyd arrin taariikh cad leh oo dhibaato badan loo soo marey oo naf iyo maal badani ku baxey. Markaa, in borobagaande lagu kiciyo dadka, laguna qeybinayo Shacabka Reer Somaliland maaha. Waxaanan soo jeedinayaa inaanu arrinkaasi aheyn wax la aqbali karo.”
“Waxaan Xukuumadda ku boorrinayaa ama Masuul ha noqdo ama cadow ha noqdo dalka gudihiisa iyo dibeddiisa-ba ha joogee Shacbiga Somaliland ciddii khilaaf iyo dhibaato kala dhex-dhigaysa waa in tallaabadii ku habbooneyd ee sharciga aheyd laga qaado, borobagaanduhu wuxu ka mid yahey khataraha ugu waaweyn ee marna wax baabbi’iya marna wax dumiya, xaalad-abuur iyo fidmo qofna laga aqbali maayo, kooxna laga aqbali maayo, qolona laga aqbali maayo.” sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo ah Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment