Friday, September 12, 2014

Wiil ay isku Ehel yihiin Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia Oo Beeniyey Inuu Ku Dhintay Dagaalada Daacish Ka Waddo Ciraaq

Mousil:Sep,12,2014(Himilo)-Faarax maxame Shirdoon oo ah Wiil uu adeer u ahaa ra’isal wasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Faarax shirdoon, ayaa beeniyey warar hore looga Baahiyey oo sheegay inuu Ciraaq dhexdeeda ku dhintay.

shiriQoraal dheer oo uu wiilkani Soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayuu ku beeniyey inuu dhintay, isagoo sheegay inuu nool yahay wali.

Hase yeeshee Shirdon oo ah wiil uu adeer u yahay r/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Farah Shirdoon ayaa qoraalkiisa ku qirey in uu ku dhaawacmay dagaalo ka dhacay gudaha dalka Ciraaq una haatan ka soo kabanayo dhaawiciisa.

Ninkan dhalinyarada ah oo ah Somali-Canadian ayaa warbaahintu baahisay in bishii hore uu ku geeriyooday dalka Ciraaq. Warbaahinta ayaa shaacisay badhtamihii bishii August in uu geeriyooday Shirdoon walow aan la cadeyn sababta uu u geeriyooday.

Shirdon oo ka mid ah qoys caan ah oo ku nool Calgary dalka Canada ayaa la sheegay in uu ka tegey wadanka Canada horaantii sanadkan si uu uga dhinac dagaalamo dadka ku kacsan dowlada Ciraaq.

Bogga Twitterka ee la rumeysan yahay in uu leeyahay Shirdon ayaa waxaa sidoo kale la soo dhigay qoraalo lagu taageerayo kooxaha kacdoonka ka wada dalka Ciraaq waxaana ka mid ah qoraal amaanaya in qoor goynta dadka Shiicada ah iyo dhowr farriin oo uu ku sheegayo in jacaylka diinta uu u qabo uu yahay mid ka culus jacaylka qoyskiisa.

Qoraalkii ugu dambeeyay ee la soo dhigay barta Twitterka ayaa waxaa ay ahayd 28 July taasoo ka hadlaysay Ciidul Fitriga Shirdon ayaa ka soo muuqday muuqaal video ah bishii April isaga iyo dhalinyaro kale oo ajaanib jihaad doon ah iyagoo gubaya baasabooradooda.

Laba dhalinyaro ah oo ka soo jeeda magaalada Calgary ayaa lagu diley Ciraaq iyo Siiriya iyagoo ka dhinac dagaalamaya kooxaha kacdoonada wada. Labadan dhalinyarada ah ayaa kala ahaa Damian Clairmont oo 22 jir ah kaasoo horaantii sanadkan lagu diley Siiriya halka Salman Ashrafi uu ku dhintay weerar is qarxin ah oo ka dhacay meel u dhow magaalada Baqdad bishii June.

Hay’adaha sirdoonka ee dalka Canada ayaa sheegay in inkabadan 130 Canadiyan ah ay ku biireen kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama wadamada Ciraq,Syria,Yemen iyo Somalia.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment