Muqdisho, 13 Sept, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday inay si rasmi ah u dacweeyeen Shirkadaha Sahaminta iyo Baadhista Khayraadka Shidaalka ee ay dawladda Somaliland heshiisyada la gashay, isla markaana waxa uu sheegay in dacwaddaas ka dib qaarkood ka baxeen Somaliland, kuwo kalena uu ku socdo ganaax lacageed oo heer caalami ah, halka qaar kalena ay hadda dacwaddooda u gudbinayaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Waxa kale oo uu Madaxweynaha Soomaaliya si badheedh ah u sheegay inay gobollada Sool iyo Sanaag ka tirsan yihiin wax uu ugu yeedhay 18-ka gobol ee Federaalka Soomaaliya oo uu ku dooday inuu dhigayo Dastuurka ku-meel-gaadhka ah ee uu Soomaaliya ku maamulo, isla markaana waxa uu sheegay inay dawladdiisu soo dhawaynayso oo ay aqbalayso go’aanka dadka labadaas gobol ee dalka Somaliland ka mid ah ee uu sheegtay wada gaadhaan.Madaxweyne Xasan Sheekh waxa kale oo uu hadlay wadahadallada u socoday Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu sheegay inay dhiirrigelinayaan, isla markaasna sii wadayaan wadahadallada u dhexeeyey labada dhinac illaa inta natiijo fiican laga gaadhayo sida uu hadalka u dhigay. Waxaanu su’aalahaas iyo kuwo badan oo kale kaga jawaabay Kulan uu Machadka lagu magacaabo Heritage ee siyaasadda iyo cilmi-baadhista Soomaaliya ka shaqeeya oo uu madax ka yahay Cabdiraxmaan Caynte, halkaas oo ay shalay dadweyne badani su’aalo toos ah ku weydiiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Su’aalaha la weydiiyey Xasan Sheekh waxaa ka mid ahaa sida ay u arkaan iyo waxay u aqoonsan waayeen Maamul-goboleedka la magac-baxay Khaatumo oo loo dhigay inay dhisteen dadka gobollada Sool iyo Sanaag oo ka tirsan Somaliland, waxaanu ku jawaabay; “Guud ahaan dadka Soomaaliyeed nidaamyo badan oo isku xig-xigay oo dadka cabbudhinayey oo aan talada wax ka siinaynin baa soo maray dhaqan ahaan. Haddana waxa immika lagu wada mashquulsan yahay oo dadkuna xiiso badan u qabaan waxay tahay in nidaamkaas laga guuro oo dadka fursad la siiyo oo cod ay ku yeeshaan mustaqbalkooda cidda maamaysa iyo siyaasadda lagu maamulaya-ba. Gobollada Sool iyo Sanaag Soomaaliya waxay ka mid yihiin, 18-ka gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya la yidhaahdo ee Dastuurka dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya tilmaamayo ayay ka mid yihiin. Xor waxay u yihiin in inay meel tagaan ay tashadaan oo ay go’aan gaadhaan.”
“Raalli kama nihin colaadaha qaarkood meelahaa ka soo noqnoqda, kuwa beeleed iyo kuwo siyaasadaysan intaba. Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego gobolladaasi waa laba gobol (Sool iyo Sanaag) oo 18-ka gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya la yidhaahdo ka mid ah, dawladda Federaalka Dastuurka ay leedahayna ku yaallo gobolkasta oo Jamhuuriyadda ka tirsani waxa uu xor u yahay inay xor u yihiin.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Sheekh.
Waxaanu intaas ku daray oo yidhi; “Markaa, inay isu tagaan oo ay tashadaan oo ay go’aan gaadhaan, dawladda Federaalka Soomaaliya Wadiiqo kale oo u furan oo aan ahayn inay go’aankaas aqbasho ma jirto. Laakiin, waxyaabihii beryahan dambe dhacayey kala qaybsanaan badan iyo qaybo qaybo ayaa ka muuqdan, laakiin dadku hadday si midaysan go’aan u gaadhaan, dee go’aankoodaas way ixtiraamaysaa iyo sida Aayohooda inay u qaabeeyaan ay rabaan, waa mabda taasi ee maaha waxaan anigu jecelahay, waa wax uu dhigayo Dastuurka Fedaraalka Soomaaliya.”
Sidoo kale, Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey Shirkadaha Shidaal-baadhista ka wada deegaanno ka tirsan Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool iyo Sanaag, wuxu yidhi; “Shirkado Shidaal oo dalka ku soo xad-gudbay baa jira, Shirkado Sharci la’aan dalka meelo badan kaga soo galaya ayaa jira, qaarkood dacwado caalami ah baan ka qornay oo aan u gudbinnay iyaga, qaarkood biil ganaax ah ayaa ku socda maalin kasta oo ay Soomaaliya sii dhex-joogaan, qaaraa ka baxay oo intay joogeen ganaaxeedii baa la idinka rabaa aan ku daba-taagannahay, kuwaa ku jira oo maalintii lacag aan xaddi lahayni ku socotaa oo dawladda Soomaaliya dacwadohooda Maxkamadda caalamiga ah iyo meeshay mudan tahay ay geyn doonto oo aanay ka hadhi doonin.”
“Soo-faro-gelinta in dalkeenna la soo faro-geliyana dacwad baan ka qabnaa, Shirkadahaas in badan oo ka mid ahna waan joojinnay, dawladda Soomaaliyana marna raalli kama nihin mana oggolaanayno in si sharci-darro ah dalka inta lagu soo galo loo boobo ama xuquuq gaar ah oo aan soconaynin loogu yeedho.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sii waday jawaabta uu su’aashaa ka bixiyey.
Waxaanu isagoo sii wada intaas ku sii ladhay; “Maalin dhawayto waad la socoteen Wasaaradda Baadroolka iyo Macdantu Bayaankii ay soo saartay ee caalamiga ahaa ee ay ugu digaysay Shirkadaha dhulka hadda la sheegayo jooga iyo kuwo lagu arkay oo agteeda ka lab-laabtay ee digniinta la siinayey. Khayraadka dhulka Soomaaliya gobolkasta iyo degmo kasta dawladda Masuuliyad baa ka saaran way ilaalinaysaa, waa la wada leeyahay, si baa laakiin loo kala leeyahay, dawladduna waajibkeeda ayay gudanaysaa, waa hanti Qaran oo way ilaalinaysaa.”
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed waxa kale oo wax laga weydiiyey halka ay illaa hadda marayaan wadahadallada u socday Somaliland iyo Soomaaliya iyo waxa natiijo muuqata looga gaadhi la’yahay muddo saddex sano ku siman, waxa uu yidhi; “Arrinta Soomaaliya iyo Somaliland waxay ka mid tahay Tiirka lixaad ee muddada aan ka hadlanay, waxaannu bilawnay sannadkii hore bilawgiisii, marar badan baannu wada fadhiisannay, wadahadalnay ku kulannay Turkiga Stanbul iyo Ankaraba, waxaanu ku heshiinnay in Guddiyo si joogta ah u wada shaqeeya in la sameeyo, qaddiyadaha qaarkood waan ka wadahadalnay meel ay soo gaadheen-ba. Waad garanaysaan wadahadallada noocaas ah xaajo inta la isu yimaaddo hal mar oo la wada fadhiistay ku dhammaan karta maaha, waddada waxa soo maray ee burburka, dhibaatada xanuunnada jira ee in la daweeyo u baahan waad garanaysaan.”
Waxaanu intaa sii raaciyey Madaxweynaha Soomaaliya oo uu yidhi; “Annaguna dee in si caaddifi ah, laab la kac ah waa la dawoobay la yidhaahdo ma rabno, ee waxaan rabnaa si rasmi ah oo midnimadaasi maalin dambe aanay biyo-days u yeelan in loo daaweeye, arrintaasi way socotaa waa bilaw, qaabkii iyo hannaankii ay ku socon lahaayeen baan samaynay waan wadahadlaynaa.”
Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay inay reer Somaliland ra’yigooda qabaan, waxna rabaan waxna diiddan yihiin, iyaguna sidoo kale ay yihiin, waxaanu yidhi; “Ra’yigooday qabaan, taladooday qabaan, wax bay rabaan, waxbay diiddan yihiin. Annaguna waxbaan rabnaa, wax baan diiddannahay, laakiin Soomaaliyaa naga dhaxaysaan aammiinsannahay, hal mid baan nahay, Adduunyada Qaaraduhu maanta isu soo imanayaan dal yar oo Soomaaliya oo kale ahi inuu sii kala tegayo macquul maaha, waana annaga meesha aan ka muransannahay, wax kasta oo ummadi ku midawdo ayaa naga dhexeeya (Somaliland), in iyagana Ingiriis gumaysan jiray, annagana Talyaani na gumaysan jiray aqoonsi maaha lagu kala qaybsamo oo lagu kala tago.”
Waxa uu Madaxweynaha Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu qiray inay jiraan qaddiyado waawayn oo u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Laakiin, waxaan qirayaa inay jiraan Qaddiyado waawayn oo innoo dhexeeya (Somaliland) oo inaan ka wadahadalno u baahan. Qaddiyado waawayn oo midnimadii shalay la gaadhay dhaawacay oo dhibaato gaadhsiiyey ayaa jira, inaan ka wadahadalno ayaan rabnaa. Qaddiyadahaas in laga wadahadlo oo laga heshiiyo waan u dhabar-adaygaynaa hadday bilo qaadanayso iyo hadday sannado qaadanaysa-ba.”
“Laakiin, annagu waxaan aamminsannahay marka dambe inaan ka heshiin karno oo waddo dhexe oo aan heshiis ku nahay oo raalli iskaga nahay oo aan la isku jujuubin inaan isugu iman karno, maalintii ugu horreysay ee aan nimidna waan sheegnay, ma qasbayno, qasab ma rabno, Millateri iyo Budhacnimo iyo Colaad in la isticmaalo ma rabno, wadahadal, wada-xaajood iyo ka-garawshiiyaha waxa dhacay iyo isla-garashada waxa soo socda ayaan rabnaa, aad iyo aad baanan ugu kalsoonnahay inaan ka baxayno (sida hadda wax yihiin).” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jawaab sharrax dheer ku qaadatay ka bixiyey su’aasha laga weydiiyey wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya saddexdii sano ee u dambeeyey u socday.
Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ficillada ay Soomaaliya ku dhaqmayso marka loo eego ay burburi karaan, isla markaana ficilladeeda faro-gelinta ahi dhaawici karaan wadahadallada u socday Somaliland iyo Soomaaliya. Hase-yeeshee, Xasan Sheekh Maxamuud waxyaabaha ay Somaliland sheegtay inay dhaawac soo gaadhsiin karaan wadahadallada kamuu hadal.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment